Thursday, 17 May 2012

Dawladaha Itoobiya iyo Uganda oo si adag isugu maan dhaafay duulaanka Wilaayaadka.

Dawladaha Itoobiya iyo Uganda ee qeybta ka ah dawladaha Afrikaanta ah ee duulaanka Ku soo qaaday dalkeena Somaliya ayaa isku maan dhaafay duulaankooda ka dhanka ah Wilaayaadka iyadoona Itoobiyaanku si adag ay ugu caroodeen Ugaandheeska. Taliska Ciidamada Itoobiya ayaa fariin u qoray Taliska Ciidamada AMISOM ee Muqdisho iyagoona ku wargelinayay deg deg in loogala wareego Ciidamada Itoobiya deegaanadii ay qabsatay si ay ciidankeeda kala baxdo dalka Somaliya. Hayeeshee Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa la daahay jawaabtooda iyadoona ugu danbeyntii ay direen saraakiil sahan ah oo gaaray magaalooyinka Baydhabo iyo Jabuuti kuwaasi oo so qiimeeyay xaaladda ka dibna ku taliyay in dib loo dhigo kala wareejinta ciidamada. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa aad kaga carooday arrinkaasi iyagoona sheegay in ballantii la isku ogaa ay aheyd dabayaaqada bishii April in AMISOM ay la wareegto Baydhabo Iyo Beledweyne laakin arrinkaasi aanu muuqan hadda. Shir xasaasi ah oo Talaadadii ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa Taliska Ciidanka Itoobiya waxey ku hanjabeen gabi ahaanba in ay ka baxayaan meelaha ay soo galeen haddi aaney deg deg ciidamada AMISOM kala wareegin masuuliyadda, waxaana ay aflagaado u geysteen ciidamada Uganda oo ay ku tilmaameen dan laawayaal dhaqaale doon ah sida aan xogta ku helnay. Saraakiisha Itoobiyaanka ee jooga Baydhabo ayaa sidoo kale deg deg ugu yeeray Shariif Xasan oo markiisii horeba dallaal ka ahaa Kala wareejinta Ciidamada, waxaana Shariif Xasan intii aanu gaarin Baydhabo ay ciidamada AMISOM direen tiro ciidan ah si xiisadda taagan loo qaboojiyo wallow wali ay kacsan tahay. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay in ay ku kaftamayaan ciidamada AMISOM ee hadda Baydhabo jooga, waxaana ay ku yiraahdeen in difaacyada ay dhisanayaan ee carra tuurka ay iska daayaan haddii kale magaalada ay gacantooda ka bixi doonto. Dawladda Itoobiya ayaa December-tii hore markii ay qabsatay Beledweyne waxey hordhigtay shir Midowga Afrika ay yeesheen in ciidankeeda aaney diyaar u aheyn Somaliya in ay sii joogaan balse loo baahan yahay magaaloyinka ay qabsadaan in lagu wareejiyo ciidamada AMISOM, arrinkaasi oo la isla gartay balse sidii Itoobiyaanku u rabeen u qabsoom

garable.com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment