Wasaardda kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ayaa maanta deeq dhiirigelin Ah gaarsiisay ciidamada qalabka sida ee ku sugan furimaha hore ee difaaca duleedka Muqdisho.
Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga, Kheeyraadka badda iyo Bi’ada mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim oo horkacayay mus’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaasi ayaa maanta waxa ay kormeer ku tageen furimaha dagaalka gaar ahaan deegaanka Deyniile halkaasi oo ay kula kulmeen saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS.
Sidoo kale wasiirka ayaa ciidamada XDS ugu hambalyeeyay guulaha ay u soo hoyeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in ay meesha ka maqan tahay taageerada shacabka isla markaasna loo baahana yahay in shacabka ay taageeraan ciidamadooda oo iyagu har iyo habeen u taagan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa ciidamada XDS iyo kuwa Amisom guddoonsiiyay deeq kalluun ah isagoo kula dardaaramay in ay u dhabar adeetgaan howsha aday oo ay qaranka u hayaan
sidoo kale Corneyl Cali Shariif Xaaji Maxamed oo ka mid ahaa saraakiishii ku sugneyd jiidda hore ee dagaalka ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin deeqdaani kalluunka ah oo ay maanta wasaaradda kalluumeysigu gaarsiisay ciidamada dowlaadda isagoo intaasi ku daray in ay labo laabayaan howsha adag ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:
Post a Comment