Thursday, 17 May 2012

Donald Yamamoto:- Waxaa jira caqabado horyaala Road Map-ka oo ay ka mid tahay in Soomaalida qaarkood ay su’aalo ka keeneen sidii

Ku xigeenka xoghayaha arrimaha Afrika ee dowladda Mareykanka Donald Yamamoto oo shalay oo Arbaco aheyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa kaga hadlay dhowr arrimood oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya oo ay ka mid tahay waqtiga u harsan dowladda KMG iyo hirgalinta qodobbada qariirada nabadda Raod Map.
Mr. Yamamoto ayaa ugu horeyn ka hadlay kulamo uu maalmihii ugu dambeeyay la qaadanayey qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Mareykanka, wuxuuna ujeedada kulamadaasi ku micneeyey isku dayo ay dowladda Mareykanku uga gol-leedahay in qurba-joogta Soomaalida ah ee dalkeeda ku dhaqan lagula socodsiiyo xaaladda uu marayo dalka Soomaaliya, xilliga kala guurka iyo waliba in la weydiiyo fikradaha ay ka qabaan geeddi-socodka nabadda ee haatan Soomaaliya ka soconaya.
Danjire Yamamoto ayaa mar uu ka hadlay xilliga kala guurka Soomaaliya ayuu xusay in dowladda Mareykanku ay rajo wanaagsan ka qabto siddii isbadal looga dhalin lahaa Soomaaliya, gaar ahaanna hirgalinta qariirada nabadda Road map, inkastoo uu xusay inay horyaalaan caqabado dhowr ah oo ay ka mid tahay in Soomaalida qaarkood ay su’aalo ka keeneen dastuurka cusub ee la doonayo in Soomaaliya loo sameeyo oo ka mid ahaa qodobada qariiradda nabadda Road map.
Mr. Yamamoto oo warfidiyeenadu su’aalo weydiinayeen ayaa mar uu ka jawaabayey su’aal  la  weydiiyey oo aheyd rajada ay dowladda Mareykanku ka qabto waxa xigi doona bisha Ogoosto iyo hirgelinta qariirada nabadda ayuu sheegay inay adag tahay in la saadaaliyo waxa Soomaaliya ka dhacaya bisha Agoosto ka dib iyo sidoo kale cidda xilka la wareegi doonta, hase ahaatee wuxuu carabka ku dhuftay inay rajeynayaan in la hirgaliyo qodobbada Road map-ka ama qariirada nabadda ku xusan oo ah qorshe ay fulintiisu hortaallo dowladda KMG ee haatan Soomaaliya ka jirta.
Donald Yamamoto ayaa dhinaca kale mar uu ka hadlayey inay beesha caalamka ka go’an tahay bixinta dhaqaalaha lagu fulinayo qariirada nabadda ayuu sheegay inay beesha caalamku bixisay dhaqaale haatanna ay diyaar u tahay in taageero la siiyo dowladda Soomaaliya si ay fuliso howlaha horyaala, hase ahaatee aan marnaba la aqbali doonin waqti kordhin danbe oo loo sameeyo dowladda haatan jirta.
Yamamoto ayaa mar uu ka hadlayey xaaladda ammaan ee Soomaaliya wuxuu ku dooday in la wiiqay awoodda Al-shabaab tan iyo wixii ka dambeeyey markii la dilay hoggaamiyii guud ee ururka Al-qaacida Usama Bin Laden, isla markaasna ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku guuleysteen inay ka saaraan dhul-ballaaran oo ay kaga sugnaayeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,


garable.com

No comments:

Post a Comment