Tuesday, 29 May 2012

Deg deg Duqeymo culus oo caawa lagu garaacay Magaalada Kismaayo


Kadib Caawa Fiidkii waxa maraakiib dagaal duqeyn culus ugeesteen Magaalada kismaayo ee gobolka Jubbada hoose waxaan alsheegay in duqeyntaan kadhacday xeebta dheer ayadoo noqoneyso midii sadaxaad mudo afar iyo labaatan saac ah.
Duqeymaha ay soo tuureyn maraakiibtaan ayaa waxaa jawaab culus ka bixiyay Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, oo adeegsanaaya qoryaha Jiibta, Zuuga iyo mid lidka diyuuradaha ee loo-yaqaano Taran Tasataha.

Afhayeenka Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya Colnel Cyrus Oguna, oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada VOA-DA, ayaa wuxuu qiray in duqeymaha lagu garaacay Magaalada Kismaayo ay geysteen, maraakiibta dagaalada ee Dowladda Kenya.

Caawa waxaa Magaalada Kismaayo ka jira baqdin xoog leh oo ay qabaan shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo, iyadoo ay xusid mudan tahay in duqeymaha caawa aysan wax khasaaro ah weli geysan, sida wararka lagu hellaayo.
garable.com
muxudin diini fiidow

Deg deg:Madaxweyne Shariif oo Caawa Saqda dhexe kadhoofi doono Magaalada Muqdisho

Sida caawa ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada DKMG Soomaaliya waxaa caawa saqda dhexe kaduuli doono wafdi hogaaminaayo madaxweynaha DKMG Shariif Sheekh Axmed.
Wafdiga madaxweynaha ayaa la sheegayaa inay ka mid noqon doonaan wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka gaashaandhigga, wasiirka dastuurka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Wafdiga madaxweynaha ayaa Turkiga u tagay ka qeybgalka shirka arimaha Soomaaliya looga hadli doono ee ka dhacaya Turkiga 31-ka bishan Maay.
Waxaa maanta magaalada Istanbul ka degay raysul wasaare C/weli Gaas iyo Shariif Xasan oo iyaguna la sheegay inay shirka Istanbul ka qeybgali doonaan.

Sidoo kale wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga uu isaguna gaaray Istanbul halkaasoo uu ka dhici doono shirweyne heer caalami ah oo arimaha Soomaaliya looga hadli doono, kaasoo ay soo abaabushay dawlada Turkiga.

garable,com
muxudin diini fiidow

URURKA AL-SHABAAB OO WADADA U GALAY WAFDIGII MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA EE MAANTA GAARAY AFGOOYE



Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaaminayey ee gaaray Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose ayaa markii ay ka soo laabteen Degmadaasi waxaa wadada u galay Ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa xilliga la soo weeraray waxa ay marayeen inta u dhaxaysa Xaawo Cabdi iyo Ceelasha biyaha gaar ahaan halka loo yaqaan Calamada.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay ka yimaadeen dhanka galbeed ee deegaanka Calamada halkaas ay rasaas ku fureen gaadiidkii lagu galbinayey Madaxweyha iyo masuuliyiintii la socotay.

Goobta Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayey lagu weeraray ayaa waxay ahayd Calamada halkaas oo socdaalkii uu ku maray markii uu u sii socday Degmada Afgooye uu kula hadlay shacabka ku dhaqan halkaasi.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay Afhayeenka Ururka Ahlusunna ee qaaradda Yurub C/qaadir Owliyo, kaas oo la socday wafdiga Madaxweynaha.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa difaac ka galay deegaanka Calamada iyadoo halkaas uu ka bilowday dagaal u dhexeeyey labada dhinac oo muddo kooban socday.

Rasaastii la isweydaarsaday ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen tiro ka tirsan Ciidamada Dowladda oo gaaraya ilaa 7-askari ma jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay weerarkaas.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha weerarkaasi ku gaaray Al-Shabaab.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa si nabad galayo ah u soo gaaray magaalada Muqdisho
garable.com
muxudin diini fiidow

Deg deg- Duqaymo ba’an oo Ka Socda Magaaalada Kismaayo



Maraakiib nooca dagaalka oo aan ilaa imika la garaneyn cida iska leh ayaa saaka duqeymo ba’an ku wada Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, iyadoona duqeymahaasi ay sababeen qasaarooyin lixaad leh. Goobjooge ku sugan Kismaayo oo ay HOL ka wareysatay Duqeynta ayaa sheegay in Maraakiib Dhowr ay ay safanyihiin xeebta Liido iyo Calanleey ee magaalada Kismaayo iyadoona Maraakiibtaasi ay ridayaan gantaallo aad u cul-culus.
“Duqeyntii saaka magaalada ku bilaabatay ilaa hada way socotaa, gantaaladana waxay kusoo dhacayaan xaafadaha Calanleey, Dabadhanaan iyo Xaafadda Mariino,” ayuu goobjooguhu hadalkiisii ku daray.
Xaafadda Dabadhanaan ayaa la sheegay in gantaal uu ku dhacay guri ay daganaayeen dad rayid ah, waxaana gantaalkaasi ku dhintay wiilyar halka ay dhaawacyo kasoo gaareen laba qof oo kale.
Khasaaraha ka dhashay duqeynta ayaa lagu soo waramayaa in uu aad u badanyahay, walow aan ilaa imika la heyn tirada rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay, waxaana weli magaalada ku socoto duqeynta.
Xaafado ka tirsan magaalada ayaa waxa kasocdo barakac aad u xooggan, iyadoona dadku ay beegsanayaan xaafadaha ka fog fog goobaha ay duqeynta ku socoto.
Xoogagga Al-shababa ayaa iyaguna madaafiic ku ridaya maraakiibta dagaal, waxaana guud ahaan magaalada siweyn looga maqlayaa daryanka madaafiicda ay isku ridayaan labada dhinac.
Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan Al-shabaab oo ka hadlay duqeynta iyo weliba khasaaraha ka dhashay, waxaana sidoo kale la ogeyn cida rasmiga ah ee iska leh maraakiibta duqeynta ka geysaneysa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

garable.com
muxudin diini fiidow

SARGAAL KA TIRSAN MILATARIGA SOMALIA OO FAAH FAAHIYEY GOOBO CUSUB OO AY KALA WAREEGEEN


 

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay goobo cusub oo Al-Shabaab ay ku lahayeen gobolka Shabeelaha Dhexe.


Taliyaha Hoggaaminaya Ciidamada ku sugan duleedka dhanka waqooyi ee Magaalada Muqdisho Ibraahim Yuusuf Nuur oo la hadlay garable.com wariyahena ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay qabsadeen fariisimo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen oo ku yaala Shabeelaha dhexe kaddib dagaal ay la galeen Ciidamada ururka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in dagaalka oo socday muddo kooban ay ku gacan siinaayen Ciidamada AMISOM isaga oo intaasi ku daray in sidoo kale ay qabsadeen hub uu sheegay inay lahaayeen Ururka Al-Shabaab
Ibraahim Yuusuf Nuur Taliyaha Ciidamada ku sugan Duleedka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho ayaa Shaxaraya deegaannada ay qabsadeen iyo Magacyadooda.

Wuxuu sheegay in deegaannada ay la wareegeen oo howd ah ay ku qabsadeen ilaa Afar qori oo yar yar ah iyo labo waaweyn oo uu sheegay inay ka qabsadeen Al-Shabaab.

Goobta ay hadda gaareen wuxuu sheegay inay tahay meel Caliyaale 7KM u jirta.

Ibraahim Yuusuf Nuur ayaa Sidoo kale sheegay in Ciidamada Dowlada ay wali ku sugan yihiin deeganadii ay la wareegeen isaga oo intaasi ku daray inay wadaan qorshaha qabshada degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe oo hadda ay ku sugan Ciidamada Ururka Al-Shabaab
garable.com
muxudin diini fiidow

Daawo Sawirada:Ciidamada Sida Gaarka Utababaran ee Sida Tooska Ugu Amar qaata Sheekh Shariif


Ayadoo maanta aan nisoo bandhigtay warbixin shegeyso in maanta Ciidamada dowlada sameyeen baaritaano xoogan kuwaas oo kafuliyay degmad afgooye ay kuso qab qabteen kooxo looga shakiye In xirii la lahayeen shabaab mujaahidin blse Waxa kadhex arkeysaan muuqaalkan Ciidamada sida toos ugu amar qaata madaxweyen shariif ee Alfa Group”










 muxudin diini fiidow
garable.com

Mas’uul ka tirsanaa dowladda Kenya oo xalay lagu dilay magaalada Mandheera iyo warar kala duwan oo dilkiisa ka soo baxaya

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan inay xalay magaaladaasi lagu dilay mas’uul ka tirsan kuwa degmada Mandheere ee gobolka NFD, kaas oo la sheegay inuu ahaa Guddoomiye ka mid ah maamulka ka jira degmadaasi.
Sida warku sheegayo ninkan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Isaaq, waxaana dilkiisa ka dambeeyay sida ay sheegeen dadka deegaanka kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo marxuumka toogtay xilli uu ka soo baxayey Masaajid uu ku soo dukaday Salaadii Cishaha, waxaana uu u geeriyooday sida ay sheegeen dadka degaanka dhaawac soo gaaray oo ahaa mid halis ah.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa kooxihii dilka u geystay mas’uulkan ka tirsan maamulka degmada Mandheera ee dalka Kenya ayaa ka baxsaday goobtii ay dilka ka geysteen, waxaana markii uu dilku dhacay ka dib goobta soo gaaray ciidamo boolis ah oo ka tirsan kuwa Kenya kuwaas oo baaritaano kala duwan halkaasi ka sameeyay ku soo qabqabtay dad rayid ah iyo dad ay la xiriirinayeen inay lug ku leeyihiin dilka loo geystay mas’uulka ka tirsanaa maamulka degmada Mandheera ee dalka Kenya, inkastoo la sheegay in dadkaasi qaarkood ay sii daayeen ciidanku, mana jirto cid sheegatay dilkaasi loo geystay sarkaalkan ka tirsan maamulka degmada Mandheea.
“Ciidamada Booliska ee soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa baaritaano kala duwan sameeyay ku qabqabtay dad badan, waxaana xalay degmada Mandheera ka jiray bandow ay ku soo rogeen ciidamadii halkaasi yimid, waxaana magaalada laga dareemayay xalay oo dhan xaalad cabsi leh, ciidanka ayaa wadooyinka horay iyo gadaal u yaacayey” ayuu yiri mid ka mid ah dadka degmada Mandheera oo diiday in magaciisa la xuso.
garable.com
muxudin diini fiidow

Dowladda Turkiga oo ka hadashay shirka Odayaasha dhaqanka ee dalkeeda ka socda, sheegtayna inaysan Soomaaliya ka laheyn ujeedo u gaar ah

Dowladda Turkiga oo ay haatan dalkeeda ku suganyihiin Odayaal dhaqameedyo Soomaali ah oo la doonayo inay soo xulaan ergada ansixinaysa dastuurka cusub ee Soomaaliya, isla markaasna soo xulaya sidoo kale Baarlamaanka bedelaya kan haatan jira ayaa waxay sheegtay inaysan wax dan ah ka laheyn dalka Soomaaliya oo aan ka aheyn inay caawiso shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan mudada dheer.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Axmed Daa’uud Oogle ayaa waxa uu sheegay in dowladdiisu aysan wax dano gaara ka laheyn dalka Soomaaliya oo aan ka aheyn inay taakuleeyaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna ay kaalmo siiyaan dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray wasiirku in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkigu ay tageen Soomaaliya xilli dowladaha waa weyn ee caalamku ay indhaha ka daboosheen dalka Soomaaliya oo ay ka jireen musiibooyin banin’aadanimo oo ay sababeen abaarihii xooganaa ee ku dhuftay dalka sanadkii hore.
“Turkiga safaarad ayuu ka furtay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho inta badan safaaraddaasi waxay takuleysaa dadka dhibaateysan ee Soomaalida ah, waan maqalnay in dadka qaarkiis ay leeyihiin Turkiga dano kale ayaa u qarsoon, laakiin waxaann idiin sheegayaa in dowladda Turkiga aysan wax dan ah oo u gar ah ka laheyn Soomaaliya, markii uu Ra’isul wasaaraheena tagay Muqdisho waad ogeyd sida ay madaxda isugu soo gurtay” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Axmed Daa’uud Oogle
Kaalmooyin banni’adannimo, duulimaadyo caalamiya, iyo booqashadii taariqiga ahaed ee Soomaaliya uu ku yimid Raisul wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Ordogan taas oo ay barbar socotay furitaankii safaarada Turkiga ee Somaliya, wuxuuna hadalka wasiirka uu imaanayaa xili dad badan ay hadal hayaan danaha Turkigu uu ka leeyahay waxqabadka hagarlaaneed ee Soomaaliya uu ka wado taas oo shaki badan ku beertay dad u arka in Turkigu uu dano gaara ka wato taageerada uu siinayo Somaliya.
garable.com
muxudin diini fiidow