Sida warku sheegayo ninkan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Isaaq, waxaana dilkiisa ka dambeeyay sida ay sheegeen dadka deegaanka kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo marxuumka toogtay xilli uu ka soo baxayey Masaajid uu ku soo dukaday Salaadii Cishaha, waxaana uu u geeriyooday sida ay sheegeen dadka degaanka dhaawac soo gaaray oo ahaa mid halis ah.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa kooxihii dilka u geystay mas’uulkan ka tirsan maamulka degmada Mandheera ee dalka Kenya ayaa ka baxsaday goobtii ay dilka ka geysteen, waxaana markii uu dilku dhacay ka dib goobta soo gaaray ciidamo boolis ah oo ka tirsan kuwa Kenya kuwaas oo baaritaano kala duwan halkaasi ka sameeyay ku soo qabqabtay dad rayid ah iyo dad ay la xiriirinayeen inay lug ku leeyihiin dilka loo geystay mas’uulka ka tirsanaa maamulka degmada Mandheera ee dalka Kenya, inkastoo la sheegay in dadkaasi qaarkood ay sii daayeen ciidanku, mana jirto cid sheegatay dilkaasi loo geystay sarkaalkan ka tirsan maamulka degmada Mandheea.
“Ciidamada Booliska ee soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa baaritaano kala duwan sameeyay ku qabqabtay dad badan, waxaana xalay degmada Mandheera ka jiray bandow ay ku soo rogeen ciidamadii halkaasi yimid, waxaana magaalada laga dareemayay xalay oo dhan xaalad cabsi leh, ciidanka ayaa wadooyinka horay iyo gadaal u yaacayey” ayuu yiri mid ka mid ah dadka degmada Mandheera oo diiday in magaciisa la xuso.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment