Tuesday, 29 May 2012

Dowladda Turkiga oo ka hadashay shirka Odayaasha dhaqanka ee dalkeeda ka socda, sheegtayna inaysan Soomaaliya ka laheyn ujeedo u gaar ah

Dowladda Turkiga oo ay haatan dalkeeda ku suganyihiin Odayaal dhaqameedyo Soomaali ah oo la doonayo inay soo xulaan ergada ansixinaysa dastuurka cusub ee Soomaaliya, isla markaasna soo xulaya sidoo kale Baarlamaanka bedelaya kan haatan jira ayaa waxay sheegtay inaysan wax dan ah ka laheyn dalka Soomaaliya oo aan ka aheyn inay caawiso shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan mudada dheer.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Axmed Daa’uud Oogle ayaa waxa uu sheegay in dowladdiisu aysan wax dano gaara ka laheyn dalka Soomaaliya oo aan ka aheyn inay taakuleeyaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna ay kaalmo siiyaan dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray wasiirku in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkigu ay tageen Soomaaliya xilli dowladaha waa weyn ee caalamku ay indhaha ka daboosheen dalka Soomaaliya oo ay ka jireen musiibooyin banin’aadanimo oo ay sababeen abaarihii xooganaa ee ku dhuftay dalka sanadkii hore.
“Turkiga safaarad ayuu ka furtay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho inta badan safaaraddaasi waxay takuleysaa dadka dhibaateysan ee Soomaalida ah, waan maqalnay in dadka qaarkiis ay leeyihiin Turkiga dano kale ayaa u qarsoon, laakiin waxaann idiin sheegayaa in dowladda Turkiga aysan wax dan ah oo u gar ah ka laheyn Soomaaliya, markii uu Ra’isul wasaaraheena tagay Muqdisho waad ogeyd sida ay madaxda isugu soo gurtay” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Axmed Daa’uud Oogle
Kaalmooyin banni’adannimo, duulimaadyo caalamiya, iyo booqashadii taariqiga ahaed ee Soomaaliya uu ku yimid Raisul wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Ordogan taas oo ay barbar socotay furitaankii safaarada Turkiga ee Somaliya, wuxuuna hadalka wasiirka uu imaanayaa xili dad badan ay hadal hayaan danaha Turkigu uu ka leeyahay waxqabadka hagarlaaneed ee Soomaaliya uu ka wado taas oo shaki badan ku beertay dad u arka in Turkigu uu dano gaara ka wato taageerada uu siinayo Somaliya.
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment