Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa xilliga la soo weeraray waxa ay marayeen inta u dhaxaysa Xaawo Cabdi iyo Ceelasha biyaha gaar ahaan halka loo yaqaan Calamada.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay ka yimaadeen dhanka galbeed ee deegaanka Calamada halkaas ay rasaas ku fureen gaadiidkii lagu galbinayey Madaxweyha iyo masuuliyiintii la socotay.
Goobta Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayey lagu weeraray ayaa waxay ahayd Calamada halkaas oo socdaalkii uu ku maray markii uu u sii socday Degmada Afgooye uu kula hadlay shacabka ku dhaqan halkaasi.
Weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay Afhayeenka Ururka Ahlusunna ee qaaradda Yurub C/qaadir Owliyo, kaas oo la socday wafdiga Madaxweynaha.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa difaac ka galay deegaanka Calamada iyadoo halkaas uu ka bilowday dagaal u dhexeeyey labada dhinac oo muddo kooban socday.
Rasaastii la isweydaarsaday ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen tiro ka tirsan Ciidamada Dowladda oo gaaraya ilaa 7-askari ma jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay weerarkaas.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha weerarkaasi ku gaaray Al-Shabaab.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa si nabad galayo ah u soo gaaray magaalada Muqdisho
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment