Thursday, 14 June 2012

Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay in la kala diray Guddiyada Dastuurka iyo xafiiska Madaxweyaha oo ka hadlay, sheegayna

Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay shalay shaaca ka qaaday in la kala diray Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka iyo Guddiga quburada Dastuurka oo ay sheegtay Xukuumaddu in waqtigoodii uu dhamaaday.
War qoraal ah oo ka soo baxya xafiiska wasiirka arrimaha dastuurka iyo Federaalka Xukuumada KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa lagu sheegay in la kala diray labada Guddi ee kala ah Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuur iyo Guddiga Qubarada ah oo la sheegay inuu dhamaaday waqtigoodii iyo kaalintii ay ku lahaayeen arrimaha Dastuurka, haatanna dastuurka ay u madaxbanaantahay oo keliya Xukuumadda KMG Soomaaliya.
Wark ayaa sidoo kale lagu sheegay in heshiiskii magaalada Addis Ababa lagu sameeyay Guddi, kaas oo uu hadda horyaalo dastuurka oo dhameystiran, taasi oo aheyd mid horey loogu soo heshiiyey, waxaana qoraalka sidoo kale lagu sheegay in illaa sanadkii 2006-dii ay soo jireen qaar ka mid ah Guddiyadaasi, isla markaasna ay muhiim aheyn inay iska sii jiraan, iyadoo dadka saxiixay heshiiskaasi uu ka mid ahaa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed sida ku xusan warqadda.
Dhinaca kale warka isna ka soo baxay xafiiska la taliyaha sharciga Madaxweynaha dowladda KMG oo ku wajahneyd madaxda dowladda iyo xubnaha beesha caaalamka ayaa lagu sheegay in Wasiirka uusan awood u laheyn inuu kala diro Guddiyadaasi, waxaana warqadda ku saxiixnaa Abuukar Xasan Axmed oo ah la taliyaha sharciga Madaxweynaha, kaas oo sheegay in Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federalka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya uusan keligiis awood u laheyn inuu kala diro labada Guddi ee ah Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuur ka iyo Guddiga Qubarada arrimahaasina ay tahay mid sharci darro ah.
Sidoo kale warka ka soo baxay xafiiska la taliyaha sharciga Madaxweynaha dowladda KMG ayaa lagu sheegay in iyadoo la iska illaalinayo in lagu xadgudbo sharciga loo baahanyahay in wax waliba oo ku aaddan arrimaha dastuurka ay u baahanyihiin in loo dad badsado, isla markaasna loo baahanyahay in Madaxweynaha uu si toos ah ula socdo arrimahaasi, waxaana ugu dambeyn warka lagu sheegay in labadaasi Guddi lagu kala diri karo oo keliya dikreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha

garable.com
muxudin diini fiidow

Dowladda KMG iyo Maamulka Somaliland oo isku khilaafay qaabka uu noqonayo wadahalka la filayo inuu dhexmaro bishan gudaheeda ka dib markii

Dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa isku maandhaafsan oo isku heysta qaabka uu u dhacayo wadahalka lagu wado inuu bishan gudaheeda ku dhexmaro dalka Ingiriiska, murankaas oo ka dhashay hadalo ay bixiyeen mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dhinac, iyadoon weli la tagin gogashii lagu wadahadli lahaa.
Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali {Gaas} ayaa sheegay in laga wadahadlayo midnimada Soomaaliya, isla markaasna Somaliland aysan ula kulmi doonin dowlad kale, taas oo ay ka horyimaadeen mas’uuliyiinta maamulka Somaliland oo sheegay inaysan ka wadahadli doonin marnaba midnimada Soomaliya.
Ra’isul wasaare Gaas ayaas sheegay in Xukuumaddiisu iyo maamulka Somaliland ay u wadahadli doonaan sidii dad walaalo ah oo Soomaali ah oo ka arrinsanaya horumarka Soomaaliya, isla markaasna aysan u wadahadli doonin sidii labad dowladood, wuxuuna caddeeyay in Somaliland uusan caalamku aqoonsan, Soomaaliyana aysan aqoonsan, sidaasi darteedna aysan suurtagal aheyn in sidii labo dawladood ay u wada fariistaan.
Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha wakiilada Somaliland Cali Yuusuf Axmed ayaa daboolka ka qaaday mowqifka maamulka Somaliland ay ka joogaan wadahadalka ay la galayaan dowladda KMG Soomaaliya, isagoo sheegay in mowqifka Somaliland, shacabka iyo Baarlamanka uu yahay waa sida hadalka uu u yiriye in loo wadahadlo Soomaaliya iyo Somaliland, balse aanay jiri doonin wax ku saabsan in la midoobo oo Somaliland ka mid noqoto Soomaaliya.
 “Wadahadaladu waxay noqon doonaan kuwa dhexmara laba dawladood oo jaar ah oo mid waliba gooni u taagan tahay, waxaan maqlay hadalo ka soo yeeray Madaxweyne Shariif iyo Ra’isul wasaarihiisa oo leh wadahadalka Somaliland aan la galayno waa mid dib u heshiisiin, waxay kaloo sheegeen inay rajo weyn ka qabaan inay ku guuleystaan midowga labada dhinac, hadaba waxaan idiin sheegayaa taasi waa mid aanay waxba ka jirin oo aysan soo noqoneynin midnimadii Soomaaliya, waxaan u sheegayaa ummadda reer Somaliland iyo walaalaha reer Soomaaliya in wadahaladaasi ku saabsan yihiin  in  laga wadahadlo sidii loo noqon lahaa laba dal oo siman, kuwaas oo mid waliba dantiisa laga hadlayo, wadahadalkan iyo kii hore ee 60-kii way kala duwanyihiin ujeeda laga lahaa wadahadalkii 60-kii la galay wuxuu ahaa in Soomaali weyn la sameeyo kumana koobneyn Soomaalida Koonfureed in lala midoobo taasina way dhici waysay, ee waxay aheyd in lala midoobo shantii gobo lee Soomaaliya” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha wakiilada Somaliland.
Dhanka kale Ismaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in wadahalka dhexmarayya dowladda KMG iyo maamulka Somaliland lagu soo biiriyo Odayaasha, aqoonyanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo aan lagu koobin dadka uu muranka u dhaxeeyo

garable.com
muxudin diini fiidow