Thursday, 14 June 2012

Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay in la kala diray Guddiyada Dastuurka iyo xafiiska Madaxweyaha oo ka hadlay, sheegayna

Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay shalay shaaca ka qaaday in la kala diray Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka iyo Guddiga quburada Dastuurka oo ay sheegtay Xukuumaddu in waqtigoodii uu dhamaaday.
War qoraal ah oo ka soo baxya xafiiska wasiirka arrimaha dastuurka iyo Federaalka Xukuumada KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa lagu sheegay in la kala diray labada Guddi ee kala ah Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuur iyo Guddiga Qubarada ah oo la sheegay inuu dhamaaday waqtigoodii iyo kaalintii ay ku lahaayeen arrimaha Dastuurka, haatanna dastuurka ay u madaxbanaantahay oo keliya Xukuumadda KMG Soomaaliya.
Wark ayaa sidoo kale lagu sheegay in heshiiskii magaalada Addis Ababa lagu sameeyay Guddi, kaas oo uu hadda horyaalo dastuurka oo dhameystiran, taasi oo aheyd mid horey loogu soo heshiiyey, waxaana qoraalka sidoo kale lagu sheegay in illaa sanadkii 2006-dii ay soo jireen qaar ka mid ah Guddiyadaasi, isla markaasna ay muhiim aheyn inay iska sii jiraan, iyadoo dadka saxiixay heshiiskaasi uu ka mid ahaa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed sida ku xusan warqadda.
Dhinaca kale warka isna ka soo baxay xafiiska la taliyaha sharciga Madaxweynaha dowladda KMG oo ku wajahneyd madaxda dowladda iyo xubnaha beesha caaalamka ayaa lagu sheegay in Wasiirka uusan awood u laheyn inuu kala diro Guddiyadaasi, waxaana warqadda ku saxiixnaa Abuukar Xasan Axmed oo ah la taliyaha sharciga Madaxweynaha, kaas oo sheegay in Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federalka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya uusan keligiis awood u laheyn inuu kala diro labada Guddi ee ah Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuur ka iyo Guddiga Qubarada arrimahaasina ay tahay mid sharci darro ah.
Sidoo kale warka ka soo baxay xafiiska la taliyaha sharciga Madaxweynaha dowladda KMG ayaa lagu sheegay in iyadoo la iska illaalinayo in lagu xadgudbo sharciga loo baahanyahay in wax waliba oo ku aaddan arrimaha dastuurka ay u baahanyihiin in loo dad badsado, isla markaasna loo baahanyahay in Madaxweynaha uu si toos ah ula socdo arrimahaasi, waxaana ugu dambeyn warka lagu sheegay in labadaasi Guddi lagu kala diri karo oo keliya dikreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment