Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali {Gaas} ayaa sheegay in laga wadahadlayo midnimada Soomaaliya, isla markaasna Somaliland aysan ula kulmi doonin dowlad kale, taas oo ay ka horyimaadeen mas’uuliyiinta maamulka Somaliland oo sheegay inaysan ka wadahadli doonin marnaba midnimada Soomaliya.
Ra’isul wasaare Gaas ayaas sheegay in Xukuumaddiisu iyo maamulka Somaliland ay u wadahadli doonaan sidii dad walaalo ah oo Soomaali ah oo ka arrinsanaya horumarka Soomaaliya, isla markaasna aysan u wadahadli doonin sidii labad dowladood, wuxuuna caddeeyay in Somaliland uusan caalamku aqoonsan, Soomaaliyana aysan aqoonsan, sidaasi darteedna aysan suurtagal aheyn in sidii labo dawladood ay u wada fariistaan.
Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha wakiilada Somaliland Cali Yuusuf Axmed ayaa daboolka ka qaaday mowqifka maamulka Somaliland ay ka joogaan wadahadalka ay la galayaan dowladda KMG Soomaaliya, isagoo sheegay in mowqifka Somaliland, shacabka iyo Baarlamanka uu yahay waa sida hadalka uu u yiriye in loo wadahadlo Soomaaliya iyo Somaliland, balse aanay jiri doonin wax ku saabsan in la midoobo oo Somaliland ka mid noqoto Soomaaliya.
“Wadahadaladu waxay noqon doonaan kuwa dhexmara laba dawladood oo jaar ah oo mid waliba gooni u taagan tahay, waxaan maqlay hadalo ka soo yeeray Madaxweyne Shariif iyo Ra’isul wasaarihiisa oo leh wadahadalka Somaliland aan la galayno waa mid dib u heshiisiin, waxay kaloo sheegeen inay rajo weyn ka qabaan inay ku guuleystaan midowga labada dhinac, hadaba waxaan idiin sheegayaa taasi waa mid aanay waxba ka jirin oo aysan soo noqoneynin midnimadii Soomaaliya, waxaan u sheegayaa ummadda reer Somaliland iyo walaalaha reer Soomaaliya in wadahaladaasi ku saabsan yihiin in laga wadahadlo sidii loo noqon lahaa laba dal oo siman, kuwaas oo mid waliba dantiisa laga hadlayo, wadahadalkan iyo kii hore ee 60-kii way kala duwanyihiin ujeeda laga lahaa wadahadalkii 60-kii la galay wuxuu ahaa in Soomaali weyn la sameeyo kumana koobneyn Soomaalida Koonfureed in lala midoobo taasina way dhici waysay, ee waxay aheyd in lala midoobo shantii gobo lee Soomaaliya” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha wakiilada Somaliland.
Dhanka kale Ismaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in wadahalka dhexmarayya dowladda KMG iyo maamulka Somaliland lagu soo biiriyo Odayaasha, aqoonyanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo aan lagu koobin dadka uu muranka u dhaxeeyo
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment