Wednesday, 13 June 2012

Dowladda KMG oo sheegaty in deeganada ay ku sugantahay Ahlu Sunna la geynayo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay markii ugu horeysay inay wax ka ogtahay ka bixitaanka ciimada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca oo ka baxay deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, waxayna sheegtay in arrintaasi ay la xiriirto qorshe dib loogu habeynayo istaraatiijiyadda ciidanka ee goboladaasi ka howlgala.
Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha dowladda KMG ayaa sheegay in gobolada ay ka baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa ay hadda maamusho Ahlu Sunna Waljamaaca la geynayo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, isla markaasna kuwa Ahlu Sunna ay ka mid noqonayaan ciidamada dowladda KMGSoomaaliya.
“Amarka ay uga baxeen ciidamada Itoobiya degmooyinka ay ka baxeen ee gobolada Hiiaan iyo Galgaduud annagaa bixinay, waana qorshe dib loogu habeynayo qorshaha dagaal ee dowladda ee ku aadan goboladaasi, waxaana dhawaan la geynayaa ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda KMG, sidoo kalena ciidamada Ahlu Sunna waxay noqonayaan qeyb ka mid ah ciidamada dowladda KMG Soomaaliya” ayuu yiri wasiiru dowladda Xukuumadda Ra’isul wasaare C/weli Gaas.
Dhinaca kale afhhayeen u hadlay Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka hadlay warkan ka soo yeeray Wasiiru dowladaha arrrimaha gudaha, wuxuuna sheegayinaysan inaysan jirin amar ka yimid dowladda KMG oo ay uga baxee deegaanadii ay ka baxeen, wuxuuna klu dooday inay dib ugu laaban doonaan dhawaan, wuxuuna ugu  baaqay dadweynaha degmooyinkii ay horay uga baxeen inay iska dulqaataan inta ay dib ugu soo laabanayaan sida uu yiri deegaanadii ay ka baxeen sida uu yiri.
Afhayeenkan ayaa soo dhaweeyay in ciidamo ka socda dowladda KMg ay tagaan gobolada ay maamulaan ay soo dhaweynayaan, wuxuuna xusay in markii horeba dowladda KMG iyada laga waayey inay timaado deegaanada ay ku suganyihiin Ahlu Sunna balse aysan ka warheynin warka ka soo yeeray wasiirka ee ah inay iyagu bixiyeen amarka ay Itoobiya uga baxay deegaanadii ay dhawaan ciidamadeeda ka qaadatay

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment