waxaa biri oo sabdi ah tariiqda tahay 12 may 2012 kadhacaayo xaflad duduble ween kasoo qeebgalaayo xafladaa oo kadhicidoono london xaafada willesdan green station waxaana shirgudoon ka ah nabadoon aadan ali shire iyo caaqil xaashi toxob xafladaan oo looga tashanaayo aayaha iyo sidii jaaliyada duduble ween wax ugu qaban laheed dadkooda iyo deegaankooda waxaana shirka ka hadli doona gabshaha oo kamid ah fadumo cabdi maboow waxi faah faahin ah kawac tel,07791744830
Friday, 11 May 2012
Xaaladda Caafimaad ee Muwaadin Maryakan ah oo ay afduub u haystaan burcad badeeda oo laga deerinayo
Waxaa laga deerinayaa xaaladda Caafimaad ee Muwaadin Maraykanka oo dhawaan u gacan galay Kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
garable.com
Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo deegaanno hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaa laga deerinayaa xaaladda Caafimaad ee Michel Spot oo ah Muwaadin Maraykan ah islamarkaana u shaqeynayay Wakaalad Warar oo ku taalla dalka Jarmalka kaasi oo laga afduubtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Burcad badeeda Soomaalida ah ee gacanta ku haysa Muwaadinkaasi ayaa la sheegay inay u gaysteen jirdil xooggan, waxaana la sheegay in Xaaladda Caafimaad ee wariyahaasi laga deerinayo.
Halka lagu hayo Muwaadinka ayaa la sheegayaa inay ku baxeen Dhaqaatiir dawaysa oo wax ka eegta Xaaladdiisa Caafimaad, waxaana la sheegay in jirdilka kooxahaasi ay u gaystaan Muwaadinkaasi Maraykanka ah sidoo kale ay ka jibiyeen gacanta midig.
Gobolka Mudug iyo deegaannada hoostaga ayaa waxa lagu haystaa inka badan 50 Ajinabadi ah kuwaasi oo siyaabo kala duwan looga soo afduubtay badda iyo bariga dalka Soomaaliya.
garable.com
War de deg ah— Madaweyne Faroole oo Adis ababa u duulay
Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiraxmaan Sh. MM. Faroole iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka duulay Gagida Diyaaradaha ee Garowe isagoo kusii jeeda Dalka Itoobiya. Safarka madaxweynaha oo ahaa mid horey loo qorsheeye. Faahfaahinta warkaan dhowaan ayaan idiin soo gudbineynaa. Puntlandi.com Garowe
garable.com
garable.com
Caruur ceel biyood ku Dumay Gobolka Galgaduud..
Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ay ku dhinteen ilaa 4-Caruur ah. Wararka ayaa sheegaya in caruurtan ay ku cayaarayeen ceel biyood, waxaana la sheegay in Ceelka uu u dumay. Ku dhawaad 4-Caruur ah ayaa halkaas ku geeriyootay, sida uu soo sheegayo Wariyaheena nooga soo Warama Degmada cadaado. roobab mahiiggaan ay saacadahii lasoo dhaafay ka da’een degmada Cadaado taasi oo keentay in Ceel Biyoodka uu aad u jilco, taasi oo keentay in Caruurta ku dhintaan. Sidoo kale Meydka carruurtaasi ayaa isla shalay galabta lagu aasay degmada Cadaado waxayna dhacdadaan noqotay mid ay aad uga naxaan dadka reer Cadaado
garable.com wax war waxaa nalaga soo xariiri karaaa,,muhyadinfarah@hotmail.co.uk
garable.com wax war waxaa nalaga soo xariiri karaaa,,muhyadinfarah@hotmail.co.uk
Aroos layaab leh oo ka dhacay Muqdisho
Lamanaayaal barakac ah oo ka mid ah kumanaanka ruux ee ku nool xerada Rajo ee magaalada Muqdisho ayaa dhawaan aroos farxad ku dhamaaday loogu sameeyey xerada. Arooska iyo aroosyada oo kala ah Cumar Cabdullaahi iyo Nuurto Suleymaan ayaa ka dhacay xerada Rajo laanteeda degmada Hodan, halkaas oo ay ku badanyihiin dad barakac ah oo sanadki 2011 kasoo hayaamay goboladi ay ku dhifteen abaaraha ee dalkla Soomaaliya. Xaflada arooska ayaa waxaa kasoo qeybgalay ku dhawaad 300 oo ruux oo u badnaa dadka barakaca ah kuwaasi oo intooda badan taageero dhaqaale oo ay iska aruuriyeen ku saaciday lamaanayaasha. Lamaanayaasha oo ku labisnaa dareys qurux badanaa ayaa ku faraxsanaa arooskooda, iyadoo dadka xaflada lagu casuumayna ay u hambalyeynayeen uguna duceynayeen in ay noqdaan kuwo isku waara oo uu ubad wanaagsan ALLE kala siiyo. Arooskaan ayaa dad badan ahmiyad wanaagsan u lahaa, sababtoo ah 8 bilood ka hor in aroos laga tumo xerooyinka barakaca ee magaalada Muqdisho ma aheyn wax lagu dhiiran karo, oo meel walba waxaa daadsanaa dad gaajeysan oo ay macluuli dilatay iyo qaar ay soo riteen cuduro ugu soo gabaday baahida keentay abaarta. Laakin haatan arooskan ayaa muujinaya sida ay xaalada dadka barakaca ah uga soo reyneyso iyo jawiga cusub ee farxada ah ee ay galayaan qoysaska iyo shaqsiyaadka kale ee ku nool xeryaha barakaca. Inkastoo wali ay jiraan dhibaatooyin ay wajahayaan dadka wali ku harsan xeryaha barakaca ah, ayaa hadana waxaa jira qaar badan oo ka xamaasha magaalada Muqdisho iyo qaar kale oo shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan ka helay meelo kala duwan oo magaalada
waxaan kahelnay wariye c/qaadir bare warsame
waxaan kahelnay wariye c/qaadir bare warsame
Saraakiil ka tirsan Puntland oo lagu dilay Magaalada Boosaaso
Kooxo hubaysan ayaa labo Sarkaal oo ka tirsan Maamulka Puntland ku toogtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.
garable.com
Wararaka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubaysan bartamaha Magaaladaasi ay ku toogteen Mejer Xasan Gurxan oo ah Sarkaal sare oo ka tirsanaa Maamulka Puntland islamarkaana qaabilsanaa howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Al Shabaab ee la sheegay inay ku duuleen Buuraleyda Gal-gala iyo Cali Biibi Gurxan oo isna ka mid ah Saraakiisha Puntland.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Kuwa Maamulka Puntland, iyagoo baaritaanno sameeyay inkastoo aan ku guulaysan inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii dilka u gaystay Saraakiishaasi.
Maaalmihii dambe ayaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari waxaa ka dhaca falal ammaan dari, iyadoo dilka ugu dambeeyay Boosaaso loogu gaystay uu ahaa Sarkaal u shaqeynayay Shirkadda Saracen International ee ka howlgasha deegaannada Maamulkaasgarable.com
Subscribe to:
Posts (Atom)