Friday, 11 May 2012

Aroos layaab leh oo ka dhacay Muqdisho

Lamanaayaal barakac ah oo ka mid ah kumanaanka ruux ee ku nool xerada Rajo ee magaalada Muqdisho ayaa dhawaan aroos farxad ku dhamaaday loogu sameeyey xerada. Arooska iyo aroosyada oo kala ah Cumar Cabdullaahi iyo Nuurto Suleymaan ayaa ka dhacay xerada Rajo laanteeda degmada Hodan, halkaas oo ay ku badanyihiin dad barakac ah oo sanadki 2011 kasoo hayaamay goboladi ay ku dhifteen abaaraha ee dalkla Soomaaliya. Xaflada arooska ayaa waxaa kasoo qeybgalay ku dhawaad 300 oo ruux oo u badnaa dadka barakaca ah kuwaasi oo intooda badan taageero dhaqaale oo ay iska aruuriyeen ku saaciday lamaanayaasha. Lamaanayaasha oo ku labisnaa dareys qurux badanaa ayaa ku faraxsanaa arooskooda, iyadoo dadka xaflada lagu casuumayna ay u hambalyeynayeen uguna duceynayeen in ay noqdaan kuwo isku waara oo uu ubad wanaagsan ALLE kala siiyo. Arooskaan ayaa dad badan ahmiyad wanaagsan u lahaa, sababtoo ah 8 bilood ka hor in aroos laga tumo xerooyinka barakaca ee magaalada Muqdisho ma aheyn wax lagu dhiiran karo, oo meel walba waxaa daadsanaa dad gaajeysan oo ay macluuli dilatay iyo qaar ay soo riteen cuduro ugu soo gabaday baahida keentay abaarta. Laakin haatan arooskan ayaa muujinaya sida ay xaalada dadka barakaca ah uga soo reyneyso iyo jawiga cusub ee farxada ah ee ay galayaan qoysaska iyo shaqsiyaadka kale ee ku nool xeryaha barakaca. Inkastoo wali ay jiraan dhibaatooyin ay wajahayaan dadka wali ku harsan xeryaha barakaca ah, ayaa hadana waxaa jira qaar badan oo ka xamaasha magaalada Muqdisho iyo qaar kale oo shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan ka helay meelo kala duwan oo magaalada

waxaan kahelnay wariye c/qaadir bare warsame

No comments:

Post a Comment