Waxaa laga deerinayaa xaaladda Caafimaad ee Muwaadin Maraykanka oo dhawaan u gacan galay Kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
garable.com
Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo deegaanno hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaa laga deerinayaa xaaladda Caafimaad ee Michel Spot oo ah Muwaadin Maraykan ah islamarkaana u shaqeynayay Wakaalad Warar oo ku taalla dalka Jarmalka kaasi oo laga afduubtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Burcad badeeda Soomaalida ah ee gacanta ku haysa Muwaadinkaasi ayaa la sheegay inay u gaysteen jirdil xooggan, waxaana la sheegay in Xaaladda Caafimaad ee wariyahaasi laga deerinayo.
Halka lagu hayo Muwaadinka ayaa la sheegayaa inay ku baxeen Dhaqaatiir dawaysa oo wax ka eegta Xaaladdiisa Caafimaad, waxaana la sheegay in jirdilka kooxahaasi ay u gaystaan Muwaadinkaasi Maraykanka ah sidoo kale ay ka jibiyeen gacanta midig.
Gobolka Mudug iyo deegaannada hoostaga ayaa waxa lagu haystaa inka badan 50 Ajinabadi ah kuwaasi oo siyaabo kala duwan looga soo afduubtay badda iyo bariga dalka Soomaaliya.
garable.com
No comments:
Post a Comment