Friday, 11 May 2012

Caruur ceel biyood ku Dumay Gobolka Galgaduud..

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ay ku dhinteen ilaa 4-Caruur ah. Wararka ayaa sheegaya in caruurtan ay ku cayaarayeen ceel biyood, waxaana la sheegay in Ceelka uu u dumay. Ku dhawaad 4-Caruur ah ayaa halkaas ku geeriyootay, sida uu soo sheegayo Wariyaheena nooga soo Warama Degmada cadaado. roobab mahiiggaan ay saacadahii lasoo dhaafay ka da’een degmada Cadaado taasi oo keentay in Ceel Biyoodka uu aad u jilco, taasi oo keentay in Caruurta ku dhintaan. Sidoo kale Meydka carruurtaasi ayaa isla shalay galabta lagu aasay degmada Cadaado waxayna dhacdadaan noqotay mid ay aad uga naxaan dadka reer Cadaado

garable.com wax war waxaa nalaga soo xariiri karaaa,,muhyadinfarah@hotmail.co.uk

No comments:

Post a Comment