Friday, 11 May 2012

Saraakiil ka tirsan Puntland oo lagu dilay Magaalada Boosaaso

Kooxo hubaysan ayaa labo Sarkaal oo ka tirsan Maamulka Puntland ku toogtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.
Wararaka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubaysan bartamaha Magaaladaasi ay ku toogteen Mejer Xasan Gurxan oo ah Sarkaal sare oo ka tirsanaa Maamulka Puntland islamarkaana qaabilsanaa howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Al Shabaab ee la sheegay inay ku duuleen Buuraleyda Gal-gala iyo Cali Biibi Gurxan oo isna ka mid ah Saraakiisha Puntland.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Kuwa Maamulka Puntland, iyagoo baaritaanno sameeyay inkastoo aan ku guulaysan inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii dilka u gaystay Saraakiishaasi.
Maaalmihii dambe ayaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari waxaa ka dhaca falal ammaan dari, iyadoo dilka ugu dambeeyay Boosaaso loogu gaystay uu ahaa Sarkaal u shaqeynayay Shirkadda Saracen International ee ka howlgasha deegaannada Maamulkaas

garable.com

No comments:

Post a Comment