Wednesday, 13 June 2012

Dowladda KMG oo sheegaty in deeganada ay ku sugantahay Ahlu Sunna la geynayo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay markii ugu horeysay inay wax ka ogtahay ka bixitaanka ciimada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca oo ka baxay deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, waxayna sheegtay in arrintaasi ay la xiriirto qorshe dib loogu habeynayo istaraatiijiyadda ciidanka ee goboladaasi ka howlgala.
Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha dowladda KMG ayaa sheegay in gobolada ay ka baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa ay hadda maamusho Ahlu Sunna Waljamaaca la geynayo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, isla markaasna kuwa Ahlu Sunna ay ka mid noqonayaan ciidamada dowladda KMGSoomaaliya.
“Amarka ay uga baxeen ciidamada Itoobiya degmooyinka ay ka baxeen ee gobolada Hiiaan iyo Galgaduud annagaa bixinay, waana qorshe dib loogu habeynayo qorshaha dagaal ee dowladda ee ku aadan goboladaasi, waxaana dhawaan la geynayaa ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda KMG, sidoo kalena ciidamada Ahlu Sunna waxay noqonayaan qeyb ka mid ah ciidamada dowladda KMG Soomaaliya” ayuu yiri wasiiru dowladda Xukuumadda Ra’isul wasaare C/weli Gaas.
Dhinaca kale afhhayeen u hadlay Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka hadlay warkan ka soo yeeray Wasiiru dowladaha arrrimaha gudaha, wuxuuna sheegayinaysan inaysan jirin amar ka yimid dowladda KMG oo ay uga baxee deegaanadii ay ka baxeen, wuxuuna klu dooday inay dib ugu laaban doonaan dhawaan, wuxuuna ugu  baaqay dadweynaha degmooyinkii ay horay uga baxeen inay iska dulqaataan inta ay dib ugu soo laabanayaan sida uu yiri deegaanadii ay ka baxeen sida uu yiri.
Afhayeenkan ayaa soo dhaweeyay in ciidamo ka socda dowladda KMg ay tagaan gobolada ay maamulaan ay soo dhaweynayaan, wuxuuna xusay in markii horeba dowladda KMG iyada laga waayey inay timaado deegaanada ay ku suganyihiin Ahlu Sunna balse aysan ka warheynin warka ka soo yeeray wasiirka ee ah inay iyagu bixiyeen amarka ay Itoobiya uga baxay deegaanadii ay dhawaan ciidamadeeda ka qaadatay

garable.com
muxudin diini fiidow

Madaxweyne Sheekh Shariif:- Ciidamada Itoobiya ee ka baxay deegaano ka tirsan gobolada dalka waxaan aaminsanahay inay kaliftay

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay ka bixitaankii ciidamada Itoobiya ee deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud oo ay la wareegeen Xarakada Al-shabaab, wuxuuna sheegay inaanu jecleyn inay arrintaasi dhacdo oo deeganadaasi ay ka baxaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahluu Sunna.
Sheekh Shariif oo weli ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa mar la weydiiyey su’aal aheyd sida uu u arko in degmooyin ay horay ugu sugnaayeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna oo dagaal kula jiray Al-shabaab ayaa waxa uu yiri “Runtii anigu ma jecleyn inay arrintaasi dhacdo haddana waa dhacday, uma aragno wax dhib ah, laakiin marwalba in awood Shabaab ay yeehseen inay meesha ku qabsadeen, laakiin waxaan aaminsanahay in waxyaabo kale oo kalifay inay jiraan”.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif waxa uu ka hadlay sida uu u arko hadalkii ka soo yeeray dowladda Mareykanka ee ahaa in xayiraad dhinac walba ah la saari doono cid kasta oo ka hortimaada qorshaha Road Map-ka ayaa waxa uu yiri “Aad ayaan u taageersanahay hadalkaasi, waana soo dhaweynaynaa, waayo wuxuu dhiiragelinayaa qorshaha Road Map-ka inaysan cidina ka horimaan” ayuu yiri Shariif oo dhinaca kale ku dooday in laga adkaaday sida uu yiri Xarakada Al-shabaab ciidan ahaan iyo istaraatiijad ahaan.
Ciidamada Itoobiya ayaa ka baxay degmada Ceelbuur oo labo bilood ka hor ay la wareegeen iyo deegaano kale, iyadoo Al-shabaab ay dib u qabsadeen, dad badan ayaana aaminsan in tallaabada ciidamada Itoobiya uga baxeen Ceelbuur, Wabxo iyo degmada Maxaas inay salka ku heysto khilaaf soo kala dhexgalay Ahlu Sunna iyo ciidamad Itoobiya

garable.com
muxudin diini fiidow