Wuxuu sheegay in ururka Al-Shabaab laga soo ceyriyey oo ay isaga soo bexeen degmooyin iyo deegaanno badan oo ka tirsan qaar ka mid ah gobollada Dalka Soomaaliya.
C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur guddoomiyaha gobolka Sh/hoose wuxuu hadalkiisa intaa ku daray in Al-Shabaab ay il jilicsan ka heleen gobolka uu guddoomiyaha ka yahay ee Sh/hoose taasoo uu sheegay in Al-Shabaab abaal marintoodu ay tahay in lala dagaalamo.
Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose wuxuu tilmaamay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin gobolkaasi islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Shabeellaha hoose ay qoryaha qaataan oo ay la dagaalamaan Al-Shabaab, iyaguna ay taageerayaan oo ay garabtaagan yihiin sida uu sheegay.
Hadalkan ayaa wuxuu soo baxay waxyar kaddib markii maalintii Shalay qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Sh/hoose uu dagaal ku dhexmaray gobolkaasi kaa oo u dhexeeyey ururka Al-Shabaab iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka, kaddib markii dadkaasi la dagaalamay Al-Shabaab ay sheegeen in beero ay lahaayeen ay xugmiyeen Al-Shabaab oo ay siiyeen dad kale.
garable.com
muxudin diini fiidow