Tuesday, 22 May 2012

GUDDOOMIYAHA SH/HOOSE OO UGU BAAQAY SHACABKA KU NOOL GOBOLKAASI INAY LA DAGAALAMAAN AL-SHABAAB



Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose ee Dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ugu baaqay Shacabka ku dhaqan gobolkaasi Shabeellaha hoose inay la dagaalamaan ururka Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in ururka Al-Shabaab laga soo ceyriyey oo ay isaga soo bexeen degmooyin iyo deegaanno badan oo ka tirsan qaar ka mid ah gobollada Dalka Soomaaliya.

C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur guddoomiyaha gobolka Sh/hoose wuxuu hadalkiisa intaa ku daray in Al-Shabaab ay il jilicsan ka heleen gobolka uu guddoomiyaha ka yahay ee Sh/hoose taasoo uu sheegay in Al-Shabaab abaal marintoodu ay tahay in lala dagaalamo.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose wuxuu tilmaamay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin gobolkaasi islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Shabeellaha hoose ay qoryaha qaataan oo ay la dagaalamaan Al-Shabaab, iyaguna ay taageerayaan oo ay garabtaagan yihiin sida uu sheegay.

Hadalkan ayaa wuxuu soo baxay waxyar kaddib markii maalintii Shalay qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Sh/hoose uu dagaal ku dhexmaray gobolkaasi kaa oo u dhexeeyey ururka Al-Shabaab iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka, kaddib markii dadkaasi la dagaalamay Al-Shabaab ay sheegeen in beero ay lahaayeen ay xugmiyeen Al-Shabaab oo ay siiyeen dad kale. 
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment