Waxa la sheegay in Ciidamada iyagoo wata gaadiidka Gaashaaman ay la wareegeen deegaanno ay ku sugnaayeen Al Shabaab ee duleedka Dayniile gaar ahaan dhinaca xigta Ceelasha biyaha iyo Afgooye sida ay xaqiijinayaaan dadka deegaanka ah.
Ciidamada ayaa la sheegay in iyaga oo ku guda jira howlgalka ay ka yirmaadeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab islamarkaaana hadda la maqlayo rasaas iyo Madaafiic ay is weedaarsanayaan dhinacyadaasi.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ah ayaa sheegay in howlgalka uu socdo islamarkaana qorshahoodu uu yahay inay la wareegeen duleedka Muqdisho iyo degmada Afgooye oo ay gacanta ku hayaan Kooxda Al Shabaab
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment