Ra'iisul wasaaraha ayaa saxaafadda u sheegay in la kordhin doono Ciidamada Ethiopia ee hadda ku sugan gobollada dalka qaar, wuxuu sheegay inay diyaariyeen ciidamo awood u leh Al-Shabaab inay ka saaraan deeganada kale ee hadda ay kaga harsan yihiin koonfurta Soomaaliya.
“Waxaa naga go'an in si xowli ah aan ula dagaalanno Al-Shabaab oo hadda ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya" ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha Ethiopia.
Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in si weyn hadda looga guuleystay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab sida uu hadalka uu dhigay.
Ra'iisul wasaare Zenawi ayaa sheegay in howlgalka labaad ay ka sameen doonaan magaalada Kismaayo ee xatunta gobolka Jubada Hoose halkaas oo ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab, wuxuu sheegay in si dhaqsi ay ula wareegi doonaan Magaalada Kismaayo sida uu sheegay.
Wuxuu sheegay in bishii la soo dhaafay Ciidamada ay u direen Soomaaliya ay Al-Shabaab ku qasbeen inay u cararaan deegannada Puntland sida hadalka u dhigay.
Ciidamada Ethiopia meelaha ay hadda joogaan waxaa ka mid ah Magaalooyinka Baladweyne iyo Baydhabo, halkaas oo ay ku xoogganaayeen ururka Al-Shabaab.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment