Dacwadda oo salka ku heysa hogaaminta xisbigaas ayaa waxay ka dhalatay muran ku saabsan murashaxnimada Madaxweynenimo ee xisbiga Udub ee doorashooyinka soo socda, taas oo garab ka mid ah uu soo sharaxay xubin aan horay xisbiga uga mid aheyn, balse ah aqoonyahan si weyn looga yaqaano Soomaaliya oo lagu magacaabo Jamaal Cali Xuseen, halka garabka kalena ay sheegeen in cid aan xubin ka aheyn xisbiga aan la sharixi karin.
Dacwaddan oo uu u gudbiyay Maxkamadda Guddoomiye ku xigeenka xisbigaasi, ahna Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin waxa furitaankeeda gudoominayay guddoomiyaha Maxkamadda sare ahna Maxkamadda Distooriga garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali.
Dhegaysiga dacwadda waxa ka qeybgalay guddoomiyaha Udub ahna Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin oo marka hore dacwadda gudbiyay, iyadoo ay dacwaddu socotay saacado badan, inkastoo aan la sheegin inay wax ka soo baxeen iyo in kale.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo gunaanadkii hadal kooban jeediyay ayaa waxa uu sheegay inay si dhakhso ah go’aan uga soo saari doonaan dacwaddan u dhexaysa labada garab ee xisbiga Udub u qeybsamay.
Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo hami kaga jiro murashaxnimada xisbigaas oo u hadlay garabka Daahir Rayaale iyo wasiirkii hore ee Ganacsiga Abiib Xasan Filfil oo isna u hadlay garabka Axmed Yuusuf Yaasiin oo markii dhegaysigu xirmay warbaahinta u waramay ayaa waxay sheegeen inay rajo fiican ka qabaan go’aanka Maxkamadda, sidoo kale waxay balanqaadeen inay tixgelin doonaan go’aanka Maxkamaddu ka soosaarto khilaafka xisbiga kala qaybiyey
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment