Cabdullaahi Dool waa wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisu ku dhaqmeyso heshiisyadii ay horay u gashay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Gen. Maxamed Siyaad Barre, gaar ahaan heshiisyadii lala galay shirkadaha shidaalka baara ee dalalka reergalbeedka, wuxuuna intaasi ku daray inay tixgelinayaan dhammaan shirkadihii la siiyey qandaraasyada dalka Soomaliya ee sababaha ammaan darro uga baaqdsaday inay howshooda sii wataan ka dib burburkii ku yimid dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
“Ma dooneyno inaan hadda ku murano annaga iyo Puntland wax dhulka hoostiisa ku jira, marka hore hala soo saaro shidaalka, kolkaasi ayuu wadahadalka rasmiha ah bilaabanayaan, midna maanka ku hay, markasta dowladda dhexe ayaa leh awoodda oo dhan, balse dowlad goboleedyada markasta waxay leeyihiin qeybtooda iyo saamigooda” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Madacdanta iyo biyaha Xukuumadda KMG Soomaaliya.
Wasiirka oo la weeydiiyey in dowladda KMG ay wax war ka heshay shirkadda Eni ayaa ku jawaabay inaysan weli la soo xiriirin, iyaguna aysan sidoo kale xiriir la sameynin, laakiin ay raacayaan sharcigii hore ee dalka u yaalay, kana midyahay heshiiskii shirkadda Eni ay shidaalka kaga qodi laheyd ceelka shidaal ee dooxada Dharoor, kaasoo la saxiixay 1980-meeyaddii.
Dhinaca kale hadalka ka soo yeeray Xukuumadda KMG ayaa waxaa ka horyimid maamulka Puntland oo sheegay inaysan aqbalaynin in dowladda dhexe ay yeelatao awood ay ku bixiso ruqsadaha shidaalka Puntland looga soo saarayo.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment