Thursday, 17 May 2012

Maamulka Puntland oo sheegay in xiriirka kala dhexeeya dowladda KMG uu shaki ku yimid ka dib markii…

Wasiirka aminga maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka ka dhaxeeya dowladda KMG iyo maamulkiisa iyo sidoo kale ka bixitaankii shirka Odayaasha ee Muqdisho ka socda oo ay ka baxeen odayaashii ka socday deegaanada Puntland iyo wax ka qabashada amniga guud ee deegaanada maamulka Puntland oo gaaray bilooyin ka hor mid xun.
Wasiirka oo ugu horeyn ka hadlay arrimaha ammaanka maamulka Puntland ayaa sheegay inuu jiro qorshe ay Puntland ku balaarineyso howlaha aminga ee deegaanada Puntland, wuxuuna intaasi ku daray in deegaanada Puntland uu wax weyni iska bedelay xagga amniga muddooyinkii dambe sida uu yiri.
Khaliif Ciise Mudan ayaa sidoo kale sheegay in deegaanada Puntland ay ku suganyihiin dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, balse waxa uu sheegay inay hayaan warbixino badan, ayna ku daba jiraan sidii loo soo qabqaban lahaa sida uu yiri, wuxuuna xusay in haatan ay yaraadeen kooxihii dilka ka geysan jiray Puntland.
Dhinaca kale Wasiirka aminga maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan waxa uu ka hadlay xiriirka maamulkiisa kala dhaxeeya dowladda KMG oo uu sheegay inuu yahay mid liita, wuxuuna arrinkaasi ku sababeeyay dowladda KMG oo ka baxday ballamo ay horay u wadagaleen, sidoo kalenan dayacday odayaashii ka socday Puntland ee ka qeybgalayey shirka Odyaasha ee la doonayo in lagu ansixiyo dastuurka cusub.
“Muddooyinkii dambe waxaa jiray madmadow soo kala dhexgalay dowladda KMG iyo dowladda Puntland, waayo meesha waxaa yimid kala shaki iyo ku amartaagleyn dhinaca Federaqalka ka yimid taasina uma dulqaadan karno, waxaan u sheegaynaa madaxda dowladda KMG inay xiriirka naga dhaxeeya wanaajiyaan haddii ay wanaajin waayaana waa inay ogaadaan inaan ka tashanay oo aan ka maaranno” ayuu yiri Wasiirka aminga maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan.

No comments:

Post a Comment