Thursday, 17 May 2012

Maxaa Sababay In Diyaarada Turkish Airlines Ku Degi Weyso Muqdisho

qrisatay 316Wararka laga helaayo Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dayuurad ay leedahay Turkish Airlines ayaa ku soo degi weydey shalay garoonka dayuuradaha ee Aden Adde International airport kadibna dib uga laabatay. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Diyaaradani oo duulimaadka caadiga ahaa ku jirtay, isla makraasna sidey rakaab gaaraya 150 ruux oo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali ayaa ka soo kicitintay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa xaalad farsamo oo deg deg la soo gudboonaatay taasoo la sheegay iney ku qasabtay duuliyihii diyaarada inuu go’aansado inuu dib ugu laabto magaalada Istanbul. Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta dhabta ah ee keentay in dayuuradan saddex jeer garoonka kusoo wareegato kadibna dib uga laabato iyadoo aan soo degin. Hase yeeshee sarkaal ka tirsan shirkada Turkish Airlines ayaa ku macneeyey sababo farsamo wax keenay in ay ku soo degi weydo dayuuradan shalay garoonka magaalada Muqdisho. Waxana uu sarkaalkan intaa ku daray in ay ahayd marki saddexaad ee ay ku soo degi weydey dayuuradan magaalada Muqdisho. Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa ah shirkada kaliya ee heer caalami ah oo duulimaadyadeeda ka samaysa magaalada Muqdisho. Waxayna si rasmi ah u bilowday duulimaadyadeeda bishii Maarso ee sanadkan. Si kasta ha ahaatee waaxda socdaalka ee garoonka dayuuradaha Aden Adde ayaan weli ka hadal sababaha keenay in ay dayuuradan ku soo degi weyso garoonka Muqdisho.


garable.com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment