Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federalka iyo dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in la bilaabay soo xulista ergada ansixinaysa dastuurka cusub ee uu dalka Soomaaliya yeelanayo.
Soo xulista ergada ka qeybgalaysa ansixinta dastuurka ayaa ahayd tan ugu weyn ee loo qabtay kulanka ugaga socda magaalada Muqdisho oday dhaqameedyo ka kala yimid gobolo badan ee dalka Soomaaliya ah.
Wasiirka ayaa sheegtay in uu meel gabagabo ah marayo shirka odayaasha dhaqanka ee magalaada Muqdisho ka socda, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey natiijada shirka.
Warkan ka soo yeeray wasiirka dastuurka ayaa imanaya kadib markii ay dib ugu laabteen ergadii ka socotay Puntland magaalada Garowe. Hase yeeshee wasiirka dastuurka ayaa sheegay in uu rajaynayo in ergadaas ay dib ugu soo laaban doonaan dhowaan magaalada Muqdisho.
Shirka odaydhaqameedyada ayaa waqtigii hore loogu qabtay in uu ku soo dhamaado la dhaafay waxana ay dowladu sheegtay in arrimo farsamo awgeed uu dib u dhacaas u sabab yahay ayna rajaynayaan in la xalliyo sababaha keenay dib u dhaca ku yimid soo afjarida kulanka odaydhaqameedyada.
garable.com

No comments:
Post a Comment