Saraakiisha Milatariga ee Dowladda Itoobiya ee joogga Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, ayaa waxay sheegeen inaysan ka bixi doonin Magaalada Baydhabo, ilaama ay ka sifeynayaan Xarakada Al Shabaab Soomaaliya oo dhan. Arintan ayaa ku soo aadey IYADA uu maanta ka degtey Baydhaba Janaay Wafdi Balaaran oo uu hogaaminaayey Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xassan oo watey Labo diyaaradood. Kulan ballaaran oo maanta Magaalada Baydhabo lagu soo gaba-gabeeyay loogana hadlaayay ammaanka Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa ka soo qeyb gallay qeybaha bulshada ee ku dhaqan Magaalada Baydhabo, wefdi uu hogaaminaayay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Saraakiisha Milatariga ee Dowladda Itoobiya ee joogga Magaalada Baydhabo. Taliyaha Ciidamadda Itoobiya ee Magaalada Baydhabo General Johanis oo kulankaan ka hadlay, ayaa wuxuu sheegay inaysan ka bixi doonin Magaalada Baydhabo, ilaa ay Xarakada Al Shabaab ka sifeynayaan, sida uu sheegay. “Ciidamadda Dowladda Itoobiya waxay Magaalada Baydhabo ay u yimaadeen garab ay siiyaan Dowladda Somaliya, Ciidamadda Itoobiya way sii jooggi doonaan Magaalada Baydhabo, oo ka bixi maayaan ilaa aan ka sifeyneyno Al Shabaab” ayuu yiri General Johanis. “Cid walba dan uguma jirto inaan Magaalada Baydhabo ka baxno anagoo aanu ka sifeyn Al Shabaab, maxaa yeelay waxay dillayaan cid walba oo ka soo horjeeda, iyagoo aanu u fiirineyn miisaanka uu lee-yahay qofka ay dillayaan” ayuu markale yiri. “Al Shabaab waxay cadowga ku tahay dhamaanteen, dhamaanteena waxaa nalooga baahan yahay inaan si wadajir leh ula wada dagaalano, qof walba waxaa ku fillan inuu garto Al Shabaab dhibaatada ay geysaneyso, waana heysanaa in nagu fillan oo noo-muujineysa in Al Shabaab ay cadow nagu tahay” ayuu sii raaciyay. Madaxa Saxaafadda ee Ciidamadda Itoobiya ee Magaalada Baydhabo ku sugan Colnel Asnyo oo isaguna ka hadlay kulankaan, ayaa wuxuu sheegay inaysan Ciidamadda Itoobiya wax baaritaano ah ka sameyn doonin Masaajidada ku yaalla Magaalada Baydhabo, isagoo taasi sabab uga dhigay inay wax amar ah u qabin inay Masaajidada baaraan. “Ciidamadeena ma-baari doonaan Masaajidada lagu cibaadeysto, maxaa yeelay wax amar ah uma qabno inaan Masaajidada baaritaano ka sameyno, kaliya waxaan baaritaano ku sameyn karnaa goobaha ay dadku inoo soo sheegaan inay ku jiraan wax yaabo ay ka shakisan yihiin amaba ay ku sugan yihiin dagaal-yahanada Shabaab” ayuu yiri Colnel Asnyo. Colnel Asnyo ayaa wuxuu ku nuux-nuux-saday in shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo uu ugu baaqaayo, inay ku soo wargelliyaan ragga Shabaab ka tirsan ee Magaalada Baydhabo ku sugan, taasoo qeyb ka noqon kareysa sida uu sheegay inay Al Shabaab ka sifeeyaan Magaalada Baydhabo.
garable.com
muxudin diini fiidow
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment