Laba nin oo qoorta laga soo jaray ayaa waxaa la-soo dhigay qeybo ka mid ah Deegaanada Galmudug, waxayna baqdin xoog leh ay ku beereyn dadka Deegaanka, iyadoo dhinaca kalana lagu eedeeyay Xarakada Al Shabaab. Deegaanka Af Barwaaqo oo dhacda duleedka Magaalada Galkacyo kana tirsan tirsan dhinaca Deegaanada Galmudug, ayaa waxaa la-soo qortay nin qoorta laga jaray oo dhabarka loo-dul saaray, waxayna shacabka ku dhaqan Deegaanka Af Barwaaqo ay ku tilmaameyn fal argagax leh. Nin kale oo qoorta laga soo jaray ayaa waxaa isuguna maanta la-soo dhigay Deegaanka Ceel Guula ee duleedka Magaalada Galkacyo, iyadoo Deegaanka Ceel Guula uu ku yaallo dhinaca Maamulka Galmudug. Ficiladaan oo ku cusub Deegaanadaasi ayaa waxay yimaadeen xilli Deegaanada Galmudug la-sheegay inay soo galleen Xoogaga Shabaab, waxayna amuurtaan ay baqdin xoog leh ay ku beertay shacabka ku dhaqan Deegaanadaasi. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ahna Amniga ee Maamul Goboleedka Puntland Mudane Abshir Diini Cawaale, oo amuurtaan maanta ka hadlay ayaa wuxuu ku eedeeyay mid ay ka dambeysay Xarakada Al Shabaab, sida uu sheegay. Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in Xarakadda Al Shabaab ay falal argagaxisnimo leh ay durbaba ka bilowday sida uu sheegay Deegaanada Galmudug, isla-markaana wuxuu ku goodiyay inay si adag ula dagaalami doonaan. Qaramada Midoobe ayaa waxay sheegtay in Xarakada Al Shabaab ay awoodeedu u weecineyso dhinaca Somaliland iyo Puntland, haddii ay ku soo dartana dhinaca Deegaanada Galmudug, waxay markaasi u muuqaneysaa mid diirada saareysa Deegaanada
garable.com
muxudin diini fiidow
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment