Friday, 18 May 2012

Dharbaaxo kulul oo mar kale ku dhacday Ururada Soomaalida Holland.



Soomaali tiradoodu ay kor u dhaafeyso 61 qofood, isuguna jira rag, dumar & caruur ayaa muddo ka badan 2 todobaad waxey teendhooyin ka sameysteen Albaabka laga galo xarunta Ter Apel oo ah xero lagu hayo ajnabiga magangelya-doonka ah.
Dadkan Soomaalida ah intooda badan waxey haystaan diidmo dhinaca sharciga ah {negative), waxaana lagu wargeliyey in dalkooda dib loogu celinayo, taasina waxaa ka taagan dood dhinaca sharuucda caalamiga ah oo ka hor imaanaya in Soomaalida aan dalkooda lagu celin karin, sababo la xiriira xaaladda ammaan ee ka taagan Soomaaliya darteed.
Maalmahan ayaa waxaa socday shirar isdaba joog ah, kaa oo ay yeelanayeen Madaxda Waaxda IND-da, waxaana laga shirayaa, oo la isla eegayaa go’aankii laga qaadan lahaa Soomaalidaas, oo noqon kara in mar kale dib loo fiiriyo gal-dacwadeedkooda ama in ay noqdaan rajo-sugayaal ilaa amar dambe laguna celiyo xerooyinka sharciga lagu sugo.
Waxaa la yaab leh, oo qaar ka mid ah Soomaalidaasi ay isweydiinayaan gurmadka hagar la’aanta & nafti-hurnimada leh ee ay u muujiyeen ururo ajnabi ah, oo ay leeyihiin Turki & Marookaan, & sida ay u dayaceen Ururada Soomaalida ah ee 100-ka kor u dhaafaya ee ka jira waddankan Holland.
“Qof kasta marka ay dhibaato la soo gudboonaato ayuu ogaanayaa qofka saxda ah ee uu yahay, Tiro intaas la’eg oo Soomaali ah oo halkan ku xujeysan oo aan weli jiho helin in ay ajnabi u soo gurmadaan Soomaalidiina ay indhaha ka daawadaan waa arrin nasiib darro ah, kuwa madaxda ururada sheeganaya ee damiirlaawayaasha ah waxaan leenahay “shame on you” ayuu yiri C/naasir oo ka mid ah Dhalinyaro iyagu dibada Xerada Qaxootiga Ter-Apel ku sugan in muddo ahna dalka ku sugan.
Wuxuu tilmaamay in ururada Soomaalida aaney ka dooneyn in ay sharciga u soo dhiciyaan, balse ay aheyd in ay tusaan in dadkan halkan ku dhibaateysan ay dad u jiir-naxaya haystaan.
“Waxaa sidoo kale xaaladeena ku sugan Ciraaqiyiinta, waxaa la socdo xaaladooda ururo ay halkan ku leeyihiin, weliba iyaga waa la celiyaa dalkooda xooggaa waa soo roonaanayaa, annagii xaggana ma jirno, intana ma jirno, daneystayaashii ururada sheeganayeyna waa na gabeen” ayuu Hadalkiisa sii raaciyay.
Wehelmedia oo u kuur galeesa Arrinka Qaxootiga ku sugan Dibada Xerada la iska dhiibo ee Ter-Apel ayaa waxa ay si dhab ah u ogaatay in aysan marnaba jirin Shaqsi Soomaali ah oo dadkaan dhibaateesan u muujiyay dadaal, iyadoona markaan aysan aheyn markii ugu horeesay oo ay dhibanayaal Soomaali ah sidaan oo kale dibada Xeradaan u fashiistaan.
Bilooyin ka hor ayaa sidaan oo kale Boqolaal Soomaali ah oo u badnaa Haween Afaafka Hore ee Xeradaan ka sameestay Buushash ay Jiiftaan Xilli Qaboob Daran uu jjiray iyadoona wax ay cunaan iyo wax ay Qaboob ka galaan u keeneen Ururo Turki iyo Marookaan ah, halka Ururada Soomaalida ee Magaca ku leh Nederland dhag jalaq u siinin.
Dadka Daraasa Dhaq dhaqaaqa Ururada Soomaalida Holland ayaa waxa ay ku sifeeyeen in ay Yihiin kuwo gabay Howshii ay Markii hore Magaca Urur ku sameesteen isla markaana Gabi ahaantooda danaha Bulshada ka door bideen dano iyagu u gaar ah.
Waxaa hubanti ah in Ururada Soomaalida ee Holland ka jira Xilligaan u xuub siibteen dhinaca Siyaasada isla markaana aysan wacal iyo war intaba u heynin dhibaatada Soomaalida ku heysata Dalka Hollland

garable.com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment