Dowladda Mareykanka ayaa deeqdaasi waxaa ay ciidamada dowladda Soomaaliya u soo marsiisay Midowga Afrika, iyadoo la sheegay in ay ciidamada dowladda arrintaasi ay ka gacan siineyso dagaaladda ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab.
Gadiidka maanta la guddoonsiiyay Ciidamada dowladda ayaa waxa ay isugu jireen 16 gaari oo ah kuwa loo yaqaano Uraalka oo ciidamada lagu dad gureeyo lix gawaarida Soomaalida ay u taqaano Cabdibilayaasha, Afar gaari oo ah kuwa lagu talagalay inay racaan madaxda hal gaari oo ah nooca biyaha lagu qaado.
Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka ganacsiga Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Qaliif oo dowladda u guddoomay gadiidkaasi ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi ay gacan ku siineyso dowladda inay hormar ka sameyso dagaalada ay ku jirto Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Madaxweynihii hore ee Ghana iminkana ah Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Jerry Rawlings asigoo sheegay in beesha caalamka ay ka go’an tahay tageerada ay siineeyso dowladda Soomaaliya deeqdaanna Dowladda Mareykana ay u soo marisay Midowga Afrika.
Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha tageera Soomaaliya waxayna qeyb ka tahay dalalka bixiya lacagaha ay mushaar ahaan u qaataan Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment