Friday, 18 May 2012

Dhageysiga Dacwadda Nin Soo Daabacay Passaborro Soomaali Been Abuur Ah Oo Saaka Ka Billaabatay Mombasa


Dhegaysiga Dacwad ka dhan ah nin  u dhashay Dalka Hindi loona haysto in uu  soo been Abuuray kumannaan copy  oo ah Passporka Soomaali ayaa saaka ka bilaabatay  Magaalo xeebeeda dalka Kenya ee Mombasa.
Muwaadinkan u dhashay Dalka India ayaa horay qandaraas  Passprort Samaynta ah kula jiray Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, laakiin markii dambe Dowladda Somaliya ayaa kala noqotay  ogolaanshihii Passport samaynta,  in kasta oo uu ka dhega adaygay  soona daabacay kumannaan  Passport Somali ah oo isugu jira noocyada Diplomasiyiinta,Shaqaalaha Dowladda iyo midka loogu  talo galay dadka  rayidka ah.
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya  Mudane Mohamed Cali Nur Ameerico oo u waramayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dacwadda dib  loo dhigay ilaa bisha October ,wuxuuna safiirku ballan qaaday in aysan ka caajisayn daba galka  dacwaddan ilaa sharciga la marsiiyo ninka  soo been abuuray Passport Soomaaliga ah.
Safiirka ayaa intaas ku daray  in Dowladda Soomaaliyeed dalabkeedu yahay in konteenarka Passporo ka buuxaan oo yaala Dekadda Mombasa lagu soo wareejiyo ,
Dhinaca kale General Cabdullahi Gaafow Mohamud  oo ah taliyaha hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha  ayaa ballan qaaday in aysan ka harayn dacwaddan  ilaa ay meel ku hubsadaan konteenarka passporada ah.

garable.com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment