Waxaa maanta ka dhacday deegaanada maamulka khaatumo state of Somalia xusida 18 may oo u ah maalinka qashin gurka iyo nadaafada deegaanada khaatumo state of Somalia.
Xafladan ayaa ahayd mid si aad ubalaadhan looga qabtay guud ahaan deegaanada khaatumo state of Somalia. Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn ayaa ahayd meelihii sida aadka ah looga xusay 18 may oo dhamaan dadka deegaanada Khatumo State of Somalia ay ugu dabaaldegaan maalinta qashin ka,iyagoona maalintaasi sameeya nadiifinta deeganadaasi.
Xafladan ka dhacday magaalada buuhoodle ayaa ahady mid ay kasoo qaybgaleen bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay kamid ahaayeen maamulka gobolka Cayn ,degmada,ardayda gobolka cayn, ganacsatada iyo oday dhaqameedyada gobolka Cayn.
Dadka isugu yimid xafladaha maalintan loogu dabaaldegayo maalinta qashin gurka ayaa waxaa madaxda la hadashay u jeediyeen khudbado ay dadka ugu baraarujinayaan qiimaha ay leedahay nadaafada. Waxaana sidoo kale ay ugu baaqeen in maalinkasta 18 MAY si weyn loo xuso maadaama ay tahay maalin qeyb ka ah nadaafada dadka degan Khatumo State Of Somalia.
Dhinaca kale maanta oo kale maamulka Somaliland ayaa isagana u dabaaldega maalinta gooni isku taaga Somaliland oo ah mid ay uga go’ayaan Soomaaliya inteeda kale, waxaase marka aad fiiriso labadan dabaaldeg ee iska soo horjeeda haddana kawada dhacaya deegaano ay wada sheegtaan Somaliland iyo Khatumo ay tahay mid shaaca ka qaadeysa inuusan jirin hadaf dadka halkaasi degan isku raacsan yihiin
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment