Guddoomiyaha baarlamanka mudane Shariif Xasan Sheeekh Aadan ayaa maanta kormeeray xero meleteri oo ku taala magaalada Beydhabo taas oo uu tababar uga socdo in ka badan Kun Askari oo Soomaali ah.
Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan guddoomiyaha Baarkamanka ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyay wasiir ku xigeenka gaashaandhigga, wasiirudowlaha Maaliyadda, xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan ciidamada XDS.Guddoomiyaha baarlamanka ayaa salaan ka qaatay ciidamada tababarka ugu socdo xeradaasi, wuxuuna warbixin ka dhageeystay taliyaha dugsigaasi kaas oo sheegay in ciidamada tababarka ku qaadanaya xeradan ay gaarayaan ilaa iyo Kun Askari waxa uuna intaasi ku daray in tababarkani uu socdo muddo bil ah.
Shariif Xasan ayaa ku amaanay ciidamadaasi sida ay u jecleeysteen in ay ka mid noqdan ciidamada XDS si ay dalkooda uga difaacaan cadowga ku soo duulay, wuxuuna kula dardaarmay in dowladu ay ku dadaali doonto sidii ay ciidamadaasi ugu dhameystiri laheyd xuquuqdooda.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment