Weeraryahanka kooxda Arsenal Robin van Persie ayaa ku biiray xulkiisa Netherlands ka hor Euro 2012, isagoo weli aan go’aan kama danbeys ah ka gaarin mustaqbalkiisa Gunners. Sida aan ka soo xiganay BBCSport.
28 jirkaan ayaa hal sanno ay uga hartay qandaraaskiisa Arsenal, waxaana uu wadahadalo la qaatay maalintii arbacada tababaraha Gunners Arsene Wenger iyo madaxa kooxda Ivan Gazidis.
Lakiin wax go’aan ah kama soo bixin, waxaana Van Persie uu haatan diirada saarayaa xulkiisa qaranka oo isku diyaarinaya koobka Euro.
28 jirkaan ayaa dhaliyay 41 gool 53 kulan oo uu u saftay kooxdiisa iyo wadankiisa xilli ciyaareedkan.
37 ka mid ah waxa ay ka timid 48 kulan oo uu u saftay Arsenal, waxaana uu ku qaaday gooldhalinta Premier League 30 gool.
Kooxo badan oo waa weyn ayaa xiiseynaya saxiixa kabtanka Gunners, kaasoo loo magacaabay ciyaaryahanka sannadka Ingariiska ee abaalmarinada PFA iyo FWA.
Iyadoo Netherlands ay tababarkooda ay isagu diyaarinayaan koobka Euro ay shalay ku bilaabeen garoon tababar oo ku yaala Switzerland, waxaa jiray waqti yar oo heshiis lagu gaaro.
Van Persie ayaa mar walba u furnaa fekerka ah inuu go’aan gaaro ka dib ciyaaraha Euro 2012, lakiin Arsenal ayaa dooneysay inay arintaas soo gabagabeyaan ka hor inta uusan ciyaaryahanka ku biirin xulkiisa.
Gunners ayaan dooneynin inay ku celiyaan wixii dhacay xagaagii hore, markaasoo ay iska iibiyeen Cesc Fabregas iyo Samir Nasri ka dib markii uu xilli ciyaareedka bilowday.
Van Persie ayaa Arsenal kaga soo biiray Feyenoord 2004tii iyagoo ku soo iibsaday 2.75 milyan ginni
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment