Banaanbax looga soo horjeedo Soomaalida oo ka dhacay Yemen
Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in qaybo ka mid ah dalkaasi ay ka dhaceen banaabaxyo looga soo horjeedeo dadka Soomaalida ah ee halkaasi jooga.
Banaanbaxyadaasi ka dhacay Yemen ayaa looga soo horjeeday in Qaxootiga Soomaalida ay ku sii sugnaadaan dalkaasi, iyadoo banaanbaxaasi ay ka qeybgaleen Boqolaal ruux oo u dhashay wadanka Yemen.
Banaanbaxyada ayaa waxay ka dhaceen gobolka Daalic ee dalkaasi, waxayna dibadbaxayaasha ku dalbanayeen in Soomaalida Qaxootiga ah laga saaro gobolkaasi sida sheegay Qunsulka Soomaalida ee magaalada Cadan Xuseen Xaaji Axmed.
Qunsulka waxa uu sheegay in arintaani ay ka dambeysay kadib markii gabar Soomaali ah ay dishay gabar u dhalatay wadanka Yemen, iyadoo horayba loogu eedeynayay Soomaalida inay qeyb ka yihiin dagaalada ka socda dalka Yemen.
Gobolka Daalic dadka degan ayaa lagu soo waramayaa inay midibtikoor ku sameeyaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gobolkaasi, waxaana Qaxootiga ay dalkaas ku qabaan dhibaatooyin kala duwa
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment