Friday, 18 May 2012

Gaari ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada KMG oo goor dhawayd Qarax lagula eegtay Garbaharey, warar ka soo baxaya Qaraxaas.


Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas goor dhawayd uu ka dhacay Qarax gil gilay magaaladaas.
Qaraxan ayaa ahaa Miinada dhulka lagu aaso, waxaana lala eegtay sida la sheegay saraakiil ka tirsan Dowlada KMG, oo Xiligaas watay Gaari.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxan oo aad u cuslaa waxaana la soo sheegayaa in gaariga ay la socdeen sarakiisha Dowlada KMG uu Qaraxa haleelay, halka warar kalana ay sheegayaan in gaariga markii uu gudbay uu Qara dhacay.
Sidoo kale Ciidamada Dowlada KMG ee jooga garbaharey ayaa isku gadaamay halka uu Qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in ay baaritan ka wadaan haatan

garable.com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment