Friday, 18 May 2012

Dowlada Mareykanka Oo Gaadiid Ku Warejisay DKMG.

Muqdisho(GMN) Dowlada Wadanka Maraykanka ayaa maanta Gaadiid ku wareejisay Dowlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.
Munaasabada maanta Dowlada lagu wareejinayay Gaadiidka ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin uu kamid yahay Raysalwasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga Dowlada Soomaaliya iyo Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Amisom.
Munaasabada ayaa waxaa hadal ka jeediyay mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Midowga Africa ee Amisom , waxaana uu mahad balaaran u jeediyay Dowlada Wadanka Maraykan ee ku deeqday Gawaaridan si ay qayb uga noqdaan dib u dhiska Ciidamada iyo soo celinta Nabadgalyada Soomaaliya.
Wasiirka Ganacsiga Dowlada Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Khaliif ayaa waxaa uu u hambalyeey Dowlada Maraykanka Taageerada ay siisay Dowlada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Dowladoodu ay baahi weyn u qabto in ay Caalamku ka caawiyaan waxyaabo badan.
Dowlada Japaan ayaa horay ugu deeqday Dowlada Soomaaliya Gawaarida Ciidamad gaar ahaan kuwa Booliska taas oo ay ugu talagashay inay ku saacido dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya.

garable,com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment