|
Ceelkan ayaa wararku sheegayaan in laga joojiyey qoditaankii kaas oo la qoday ilaa 3,430 meter,iyadoo aan hoosta loogu tegin wax shidaal ah riigiina ku joogsaday meel adag oo uu dhaafi kari waayey.
Shirkada Horn Petroleum ayuu sidoo kale saamigeedii hoos u dhacay arinkan lama filaanka ah darteed.
Go,aan ay qaadatay shirkada Horn Petroleum ayaa sheegaya inay ka furtay riigii ceelka shabeele isagoo aan gaarin qiyaastii loogu talo galay oo ahayd 3,800 oo meter.
Sida uu sheegay qof u hadalay shirkadan maalintii khamiistii ayuu ku cadeeyey in isla ceelka kale ee loogu magac daray Dharoor valley uu ku istaagay qiyaas ah 3,430 meter , warbixin ayuu afhayeenka shirkadani ku sheegay maalintii khamiista in xaga hoose ee ceelkani tahay dhagax aad u adag suuro galna aanay noqon karin in meeshan laga helo petrol ama natural gas.
Seylada saamiyada lagu kala iibsado ee magaalada Toronto ayaa shirkada Horn Petroleum's shares keedu maanta marayaan 77 Canadian cent halka uu hore u ahaa $6.70.
Warbixinta maalintii khamiista ay baahisey shirkadani ayay ku sheegeen in riigii ku xidhnaa ceelka shabeele laga raray meeshii hore loona raray 3.5 kilometers meel waqooyiga ka xigta ceelkii hore.
Shirkada Canadian ah oo magaceeda la yiraahdo Africa Oil Corp ayaa waxay ku leedahay saami 51 percent shirklada Horn Petroleum ,taas oo masuul ka ah boqlkiiba 60 percent ceelasha Dharoor iyo Nugaal oo Puntland sheegato.
Shirkada Africa Oil ayaa ayaa ka bilowday Puntland baadhitaanka bishii January,waana markii ugu horeysey ee baadhitaan noocan oo kale ah lagu sameeyo ka dib burburkii dawladii dhexe ee Somalia.
Shirkadan Horn Petroleum's ayaa kula shuraako ah Dharoor shirkadaha Australia's Range Resources Ltd iyo Red Emperor Resources
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment