Friday, 18 May 2012

Gudoomiyaha xisbiga DADKA oo ka digay in umada Soomaaliyed ay ka hor timado dastuurka iyo dedaalada ay wadaan beesha caalamka

Prof. Saciid Ciise Maxamuud Gudoomiyaha Xisbiga dadka oo ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka mid yahay musharaxinta u taagan doorashada soo socota ee xilka madaxweynaha Somalia, isagoo dhinaca kalena faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha u qorsheysan haddii uu doorashadaas ku guuleysto iyo xaaladaha kale ee ka taagan dalka sida dastuurka.
Isagoo ka hadlayey xaflad ku saabsan musharaxnimadiisa oo maanta lagu qabtay magaalada Muqddisho ayuu ku sheegay Prof. Saciid Ciise Maxamuud inuu wax badan ka qaban doono haddii xilkaas loo doorto oo celinta adeegyada guud ee bulshada sida biyaha, caafimaadka, korontada, waxbarashada iyo nadafaada guud, uuna shaqooyin u abuuri doono kumanaan dhalinyaro ah oo isugu jira aqoonyahano iyo xoogsato.
“Dalku waxa uu ku jiraa xaalad kala guur bilihii ugu dambeeyey ee la filayo iney timaado dowlad bedesha mida KMG ah ee hadda jirta sida madaxweyne cusub baarlamaan cusub iyo hogaamiyeyal kale oo cusub xaaladaha noocan ah waa kuwa ugu dhibka badan caalamka, waxaana loo baahan yahay inaan uga gudubno maskax, dedaal iyo daacadnmo” ayuu yiro Prof. Saciid Ciise Maxamuud oo intaa ku daray in dhibaatooyin badan la soo maray, loona baahan yahay in dersi laga qaato.
Prof. Saciid Ciise Maxamuud ayaa intaa ku daray in dastuurku uu yahay xeerkii kala hagi lahaa umada iyo madaxda dowlada la’aantiisna aysan suuraagal aheyn in dowladnimo la gaaro, wuxuuna xusay in dadweynuhu ay xaq u leeyihiin iney ka hadlaan kana doodaan haddii qodobo ka mid ah dastuurka ay dhibsdaan hase ahaatee aysan xaq u laheyn iney yiraahdaan dastuur ma rabo wuxuuna ka faalooday dastuuradii kala duwanaa ee dalka soo maray iyo halkii ay ku dambeeyeen. .


“Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inaan laga hor imaan lana colaadin beesha caalamka oo uu sheegay iney shacabka Soomaliyed ka taageerayaan sidii ay u gaari lahaayeen nabad iyo dowladnimo, wuxuuna xusay in haddii laga hor yimaado ay iska tegi doonaan dalkuna uu geli doono marxalad ka adag mida hada lagu jiro “Waxaa la waayi doonaa dowlad dhexe waxaana dalka u talin doono maamulo ku saleysan, qabiil, ama kooxo diimeed, ama burcad badeed ama kooxo aan hada la aoqoon oo laga yaabo iney soo shaac baxaan” ayuu intaa ku daray Prof. Saciid Ciise oo bulshada caalamka uga mahad celiyey sida ay isugu howleyso in dalku uu heli dowlad, isagoo ummada Soomaaliyed ugu baaqay iney ka faa’iideystaan fursadaas.


garable.com


muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment