Monday, 14 May 2012

Meles oo rajo ka muujiyey shidaalka dooxada Ogaden


Addis Ababa, 13-May-2012 - Ra'isulwasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa shaqsiyan marki ugu horreysay muujiyey in Itoobiya ay rajo weyn ka qabto in bannaanka la keeno shidaalka dooxada Ogaden ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ra'isulwasaare Meles ayaa hadalkan ka yiri shir-doceed looga hadlayey maalgashiga Itoobiya, kaasoo garab socday Shirka Dhaqaalaha Aduunka ee Afrika oo isbuucan lagu qabtay magaalada Addis Ababa.

Shir-doceedkan oo ay isku soo dubaridday shirkadda South West Energy (HK) Ltd oo laga leeyahay dalka Itoobiya, haatana howllo shidaal baadhis ah ka wadda dooxada Ogaden ee deegaanka Soomaalida, waxaa goobjoog ka ahaa hogaamiyayaasha shirkado dhan 400, kuwaasoo isugu jiray kuwo Itoobiya laga leeyahay iyo kuwo caalami ah.

Meles ayaa isagoo farta ku fiiqayey Guddoomiyaha shirkadda South West Energy (HK) Ltd, Tewodros Ashenafi, oo shirka fadhiyey, wuxuu yiri, "Tewodros ayaa noqon doona sidaha warka fiican," taasoo micnaheedu tahay in shirkadda South West Energy (HK) Ltd ay natiijooyin wacan ka gaadhay howllaha baadhista shidaal ee ay ka waddo deegaanka Soomaalida.

Tewodros oo maalmahan dadaal xooggan ugu jira sidi uu shirkaddiisa South West Energy (HK) Ltd ugu heli lahaa shirkad caalami ah oo ay kula shirkowdo aagagga ay shidaalka ka baadheyso ee deegaanka Soomaalida, wuxuu shir-doceedkan ka sheegay in natiijooyinka baadhitaannadi ay sameeyeen ay ahaayeen kuwo "aad u dhiirigaliyey."

Tewodros ayaa ka soo qeybgalayaashi u sheegay in meeshi lagu gaadho sanadka soo socdo ay suurogal tahay in la soo saaro shidaalka dooxadan.

Dowladda Itoobiya ayaa masuuliyiinti shirkadaha ka soo qeybgalay shir-doceedkan u soo bandhigtay qarashka loo baahan yahay ee ku bixi doonta dhismaha kaabayaasha lagama'maarmaanka u ah soo saaridda shidaalkan, taasoo lagu qiyasay $3 bilyan oo dollarka Mareykanka ah.

Tewodros ayey isbuucan u aheyd mid aad u fiican, kadib markii uu ku guuleystay in Shirka Dhaqaalaha Aduunka ee Afrika lagu qabto Addis Ababa, taasoo uu dadaal iyo wakhti galiyey sidi ay ugu suurogali laheyd.

Dadaalka sii xooggeysanaya ee ay Itoobiya ugu jirto soo saaridda shidaalka deegaanka Soomaalida ayaa wuxuu ku soo aadayaa xilli ay socoto waan-waan hoose oo aan la shaacin oo hashiis lagaga dhex wado dowladda Itoobiya iyo ururka ONLF, taasoo uu ka shaqeynayo dal saddexaad.
ONLF oo ka dhaqdhaqaaqda deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxey sabab u aheyd qasaarooyin dhan kasta ah oo soo gaadhay beesha ay sidato magaceeda, iyadoo qasaarooyinkan ay saammeeyeen xitaa qeybaha kale ee beeshan ee deegaannada ku leh dalalka dariska ah. Magaca ONLF ayaa noqday aalad bilaash ah oo ay qabaa'illada kale u adeegsadaan beeshan si ay taageerro siyaasadeed iyo mid military uga helaan dowladda Itoobiy


       garable.com                         

No comments:

Post a Comment