Sunday, 10 June 2012

TALISKA BOOLISKA OO SHEEGAY INAY U BAAHAN YIHIIN AGAB CIIDAN OO AY KU HOWLGALAAN



Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay u baahan yihiin in la siiyo agabkii ay ku howlgali lahaayeen.

Shariif Sheekhunaa Maye Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay haatan samaysan yihiin hoggaannadii Ciidamada Booliska Soomaaliya balse ay xilligan u baahan yihiin aygabyadii loogu talo galay si ay ammaanka u sugaan.

Wuxuu sheegay in muhiimadda koowaad ay siinayaan haddii ay agab helaan sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho.

Maalmihii dambe magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayey kulamo lagu taageerayey Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, taasoo dhawaan dowladda Japan Ciidamada booliska ay ku wareejisay gaadiid iyo agab ciidan

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment