Wasiirka Amniga Gudaha ee Dalka Kenya George Saitoti iyo ku xigeenkiisa oo shil diyaareed ku geeriyooday goordhow
Shil diyaaradeed oo Wasiiro Kenyan ku dhinteen Wasiirka Amniga Gudaha ee Dalka Kenya George Saitoti, iyo ku xigeenkiisa ayaa ku dhintay shil diyaarad Helicopter ah oo Policeka Kenya Isticmaalaan shilkaas oo ka dhacay dhulka howdka ah ee duleedka Magaalada Nairobi.
Afhayeenka dowlada dalkaas ayaa sheegay in Raisalwasaare Raila Odinga,uu xaqiijiyay geerida Mr.Saitoti iyo ku xigeenkiisa Orwa Ojode.
Madaxweyne ku xigeenkii ugu waqtiga dheeraa Kenya ee xukuumadii president Daniel Arap Moi, Saitoti ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in uu masharax u yahay xilka madaxtinimada dalka marka la gaaro doorashooyinka dhici doona bisha March ee Sanadka soo socda Filim qaade u shaqeeya Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sidoo kale ka mid ah meydka ilaa 3 ruux oo lagu arkay goobta uu shilka ka dhacay keymaha Ngong area ee duleedka ka ah Nairobi.
Wali si dhaqso ah looma cadeen sababta keentay shilka diyaaradeed balse waxaa laga cabsi qabaa in ay diyaarada saarnayeen dad kale oo faro badan.
Mr.Saitoti,waxaa uu xulifo dhow la lahaa Madaxweyne Mwai Kibaki,ee xiligan hogaaminayaa codka dowlada ka soo horjeeda mintidinta Somaliyaee Alshabaab oo had iyo jeer weraro bambooyin loo adeegsado ka geysta gudaha Kenya.
Ciidamada dalka Kenya waxaa ay kula dagaalamayeen gudaha Somalia Kooxda Alshabaab tan iyo bishii October.sifo ay uga hortagto in
dhibaatoyinka ka aloosan Somaliya ay soo galaan Kenya
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment