Monday, 11 June 2012

MAREYKANKA OO U DIGAY SHAQSIYAAD UU SHEEGTAY INAY CARQALADEEYAAN HANAANKA SOCDA


 

Kaaliyaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Africa Johnnie Carson, oo shalay booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho, ayaa shir jaraa'id waxa uu ku qabtay markii uu dib u laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana uu ka hadlay wixii uu ku soo arkay Muqdisho.

Shirka jaraa'id ugu horeyn waxa uu kaga hadlay Johnnie Carson, in horrumar laga gaaray xagga ammaanka magaalada Muqdisho, gaar ahaan sanadihii ugu dambeyay, kuwaas oo ay sheegeen in ay door ka qaateen ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa, sidoo kale waxa uu la kulmay madaxda dowladda KMG ah Soomaaliya, sida madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha, waxaana uu ku booriyay in la dhameeyo xiliga KMG ah oo ku eg bisha August ee sanadkan, iyadoo dastuurka cusub la dhameenayo si loo gogal xaaro doorashada soo socota.

Sidoo kale waxa shirka jaraa'id ee Carson digniin uu ugu jeediyay shaqsiyaad uu sheegay inay doonayaan in carqaladeeyaan hannaanka hadda socda ee looga baxaayo KMG, wuxuuna ugu yeeray qoladaasi qaswadayaasha ah in oo ku jira dowladda ama bannaanka ah in lagu soo rogi doono xayiraado ay ka mid yihiin safaradda dibadda laga joojiyo iyo hantitooda laga xayiro.

Carson ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in sideed ama sagaal dilomaasi ay hadda ka howlgalaan Soomaaliya si buuxda, laakiin ma sheegin in Mareykanka ay hadda doonayaan in dib u furtaan Saxaafadda Mareykanka ee Soomaaliya.

"Waxa ay Washington sii wadi doontaa inay hubiso xaaladda ammaanka si loo helo meel babaado ah oo aan ka furano Xafiis" ayuu yiri Carson .

Carson waa sarkaalkii ugu sareeyay ee Mareykan ah oo soo booqda Muqdisho muddo ku dhow 20-sano, waxaana dhowrkii saacadood ee uu joogay caasimada uusan ka bixin garoonka diyaadaha Muqdisho, halkaas oo ay ammaankiisa sugaayeen ciidamo Uganda iyo Brundi ah
 
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment