Monday, 11 June 2012

Shabaabkii Kismaayo oo bilaabay inay Xaraashaan Baabuurtoodii”Gawaarida oo la Isku baryaayo


Horjoogayaasha Koxda Shabaab Al-qaacida ee magaalada Kismaayo ayaa bilaabay inay lacago aad u yar ku xaraashaan baabuurtoodii raaxada, ayadoona arrintani ay noqotay hadal heynta ugu weyn ee laga hadal hayo magaalada Kismaayo.
Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Ciidamada isgarabsanaya ay magaalada u soo jirsadeen 75KM taasoo saameyn ku yeelatay sii joogitaanka Kismaayo ee Maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha kooxda Shabaabka.
Suuqyada magaalada Kismaayo ee lagu iibiyo baabuurta ayaa lagu arkayaa horjoogayaal badan oo beecinaya baabuurtooda, ayadoona ay ku raadinayaan qiimo aad u yar.
Dadka iyo qeybaha kala duwan ee ganacsatada magaalada Kismaayo ayaa bilaabay inay ka faa’ideystaan baxsadka horjoogayaasha Shabaabka, iyagoona ku gadana qiimo sadex jibaar uga yar intii ay markii hore baabuurta ku soo iibsadeen.
Baabuurto loo yaqaano, Rooneda,Saarufta, Zuzuga iyo baabuur kale oo ay leeyihiin horjoogayaasha Shabaabka ayaa waxaa ay maanta Kismaayo ka marayaan $700 (todobo boqol oo doollar) ilaa $800(sideed boqol oo doollar) taasoo aad uga yar qiimihii ay markii hore ku soo gateen.
Horjoogayaasha Shabaabka iyagu hadii ay xaraashaan baabuurta ay ku socon jireen iyo hadii kale makala jecla waayoo markii horeba lacag uguma fadhinin waxaana ay markii hore xoog uga qaateen lacaga ay baabuurta ku soo iibsadeen ganacsatada iyo dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Kismaayo

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment