Monday, 11 June 2012

Xog hoose:Khilaaf Soo Kala Dhexe Dowlada KMG Ah, Amisom Oo Dhinac Ah & Ethiopia ureey

10124_300x225_971102745Ilo Xogogaal ah oo laha helay Saraakiisha Dowlada KMG ah ee Somaliya, ayaa sheegaya in Khilaaf iyo muran soo kala dhex galeen Saraakiisha Dowlada KMG ah iyo Amisom oo dhinac ah & Ethiopia, taasoo sababtay in Ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa magaalooyinka Maxaas iyo Ceel buur ay dib uga baxaan kadib markii ay saluugeen in aaaney la tala gelin Maamul Goboleedyada Puntland & Galmudug oo ay aad u taageersan yihiin afkaarta Ethiopia iyo in lagu biiriyo xubno ka tirsan Suufiyada Gobolada dhexe.
Xogtaan ayaa tilmaamtay in booqashadii ay shalay ee Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka ku yimid Muqdihso looga dooday, qodobo badan oo ay ka mid yihiin, ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee degaanadii hore looga xoreeyay Kooxda Shababka, diidmada xubnaha Maamulada Faroole iyo Caalin ee wax ka bedelada lagu sameeyay qabyo qoraalka, digniino cusub oo loo jeediyay xubno Wasiiro ah oo xiligaan sheegay iney saluugsan yihiin qaabka loo maareeyay dastuurka cusub.
Wararka ayaa sheegaya in Xukuumada Meles ay dhowaan magaalada Muqdisho u soo diri doonto Col. Gabre tadase oo mudada dheer wakiilaan la shaacin u ahaa Dowlada Tigreega dhanka ah Somaliya.

Col.Gabre oo saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga ayaa la sheegayaa inuu hordhigi doono Taliska Amisom in go’aanka Ethiopia uu yahay in ay ciidankeeda kala baxdo Somaliya isla markaana AMISOM looga fadhiyo la wareegto degaanada ay hadda gacanta ku hayaan Ciidamadaan.
Talaabadaan ayaa soo shaac baxday, kadib markii khilaaf iyo ismaan dhaaf in muddo ah so jiitamayay oo u dhexeeyay dawladaha AMISOM ku jira oo isku dhinac ah iyo Ethiopia, iyadoo Xukuumada Meles ay warar hoose sheegayaan muddo 45 cisho ah in ay ugu qabatay AMISOM ciidamo in ay ku geeyaan Goobaha ay joogaan.
Xukuumada Meles ayaa aad u saluugtay in aan la talo gelin qaabka loo diyaariyay qabyo qoraalka iyadoo qoraalkii ay la dhacsanaayeen la diiday, laguna bedelay mid kale, sidoo kale waxaa kale aad uga xumaadeen in maamuladii Puntland & Galmudug aan loo oggolaanin iney iyagu soo xushaan ergada Odayaasha dhaqanka kuwa Ergooyinka ee dooranaaya Xildhibaanada Dowlada cusub. Saraakaalkaan ayaa looga fadhiyaa inuu culusyo ku saaro Saraakiisha Dowlada KMG ah kuwea Amisom iney tanaasulaad la yimaadaan oo loo oggolaado in faroole iyo Caalin la qanciyo isla markaasna xubno suufiyada ka tirsan ee Gobolada dhexe lagu biiriyo ergooyinka iyo Xildhibaanada mustaqbalka, hadii kale ay dhamaan ka bixin doonaan degaanada ay qabsadeen sida ay haatan yeeleen Degmooyinka Maxaas & Ceel buur

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment