Sida warku sheegayo wasiiradan ka socda dowladda KMG ee tagaya magaalada Hargeysa ayaa diyaarinaya qaabkii ay Somaliland uga wadahadli lahaayeen dhismaha Guddiga labada dhinaca oo uu muran badan weli ka taaganyahay, waxaana la sheegay in weli la isku maandhaafsiisanyhay dadka dowladda KMG uga qeybgalaya wadahalka.
Lama sheegin tirada wasiirada ah ee ay dowladda KMG u direyso magaalada Hargeysa iyo cidda hogaamineysa, sidoo kalena lama oga inay yihiin wasiiradaasi dad ka soo jeeda deegaanada maamulka Somaliland iyo inay yihiin kuwo kale oo isku dhaf ah, lamana oga sida ay arrintani ku suutageli doonto, iyadoo horay gogasha dhexdhexaadinta labada dhinac loo dhigay dalka Ingiriiska ka dib markii uu dib u dhac ku yimid shirkii ay yeelan lahaayeen labada dhinac.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda KMG iyo maamulka Somaliland oo ku saabsan wafdiga ka socda dowladda KMG ee la sheegay inuu safar ku tagayo magaalada Hargeysa, marka laga reebo warka ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maamulka Somaliland, sidoo kalena ma jirto isku soo dhanwaansho u dhaxeysa labada dhinac oo ku saabsan wadahalka loogu baaqay inay yeeshaan, kaas oo ay hadda ka soo wareegatay markii loogu baaqay inay wadahadlaan muddo ku dhow afar bilood oo xiriir ah.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment