Monday, 11 June 2012

OOXO HUBAYSAN OO SAAKA DHAAWAC U GEYSTAY GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA HARGEYSA



Wararka aan ka helayno Magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in waaberigii Saaka magaaladaasi lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxkamada Magaalada Hargaysa.
Sida wararku sheegayaan Cabdirashiid Duraan oo ah gudoomiyaha Maxkamada Hargaysa ayaa waxaa dhaawacay kooxo hubaysan oo la sheegay inay bastoolad ku hubaysnaayeen.

Dhaawaciisa ayaa waxa uu yimid kaddib markii Guddoomiyaha uu ka soo baxay masjid ku yaala mid ka mid ah xaafadaha Magaalada Hargaysa.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan magaalada Hargaysa ayaa noo sheegay in dhaawaca Guddoomiyaha la dhigay Isbitaal ku yaala Magaalada Hargaysa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhaawaca Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargaysa Cabdirashiid Duraan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dhaawaciisa ay ka dambeyeen dadka indhaha soo duubtay.
Ilaa iyo hadda maamulka Magaalada Hargeysa kama hadlin dhaawaca loo geystay Guddoomiyaha Maxkamadda Magaalada Hargeysa

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment