Monday, 11 June 2012

Ra’isul wasaare C/weli Gaas:- Doorkii saxiixayaashu hadda wuu dhamaaday oo soo xulidda golaha ansixinta iyo Baaarlamaanka cusub waa howl u taalla

Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali{Gaas} ayaa sheegay markii ugu horeysay in saxiixayaashii Road Map-ka howshoodii laga soo gudbay oo aysan door muuqda ku laheyn soo xullidda errgooyinka ansixinaya dastuuka iyo sidoo kale soo xullidda Baarlamaanka cusub ee bedeli doona kuwa haatan jooga., wuxuuna intaasi ku daray Ra’isul wasaaruhu in hadda ka dib howsha dhiman ay u taallo Odayaasha dhaqanka oo laga sugayo dedejinta howlaha dhiman.
Ra’isul wasaaraha oo la weydiiyey su’aal aheyd inay dhici karto in qaar ka mid ah ay saxiixayaasha Road Map-ku ay ka horyimaadaan qorshaha lagu soo xulayo ergooyinka iyo Baarlamaanka cusub ayaa sheegay inaysan jirin cid ka horimaan karta, higelinta qorshaha Road Map-ka, isagoo xusay inuusan hadda isagu ogeyn cid ka soo horjeeda qorshaha looga baxayo xilliga KMG oo ka tirsan saxiixayaasha Road Map-ka, wuxuuna intaasi ku daray in inta uu ogyahay dhammaan saxiixayaasha Road Map-ka ay isku jiho  u socdaan oo ay isku meel wax u wadaan.
“Haddii hadda qof leexdo waa laga badanyahay inkastoo ay caqabad tahay hadda waxaa la raacayaa intaba badan, mana jito cid kelgeed wax diidi karta waxna ogolaan karta” ayuu yiri Ra’isul wasaare Gaas oo sidoo kale qiray inay jiraan Odayaal dhaqameed weli lagu muransanyahay oo hadda ka qeybagalaya shirka Odayaasha dhaqanka uga socda magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in arritaasi loo soo saaray Guddi soo xalliyada oo ka tirsan Odayaasha dhaqanka dhexdooda dhawaana ay ku rajoweynyihiin in la dhameystiro khilaafka jira.
Dhinaca kale Ra’isul wasaare Gaas waxa uu sheegay in dhawaan ay wadahal isugu imaan doonaan dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kaas oo sida uu yiri uu ka rajeynayo in dadka Soomaaliyeed ay isugu soo noqon doonto midnimadoodiina ay dib u raadsan doonaan, mar uu arrinkaasi ka hadlayeyna waxa uu yiri “Anigu ma oran karo maalin hebel iyo magaalo hebelo ayuu ka dhacayaa shirka, laakiin waxaan kuu sheegi karaa in dhawaan u shir dhexmari doono labada dhinac

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment