Tuesday, 12 June 2012

AL-SHABAAB OO 24-SAAC GUDOHOOD DEGMADA CEELBUUR KU GAWRACAY KU DHAWAAD 10-RUUX



Ururka Al-Shabaab ayaa muddo Afar iyo labaatan saac gudohood ku dhawaad 10-ruux oo rayid ah ku gowracay Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Warka nagasoo garaya Degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay dad rayid ah ku garaceen gudhaa Degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud.

Dadka ay Al-Shabaab gowraceen ayaa isugu jira rag iyo dumar waxaana ku jira nin da’ah oo mu’adin ka ahaa Masjid ku yaal Degmada Ceelbuur.

Nabadoon Xasan Maxamed oo la hadlay wabarimedia.com ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dadkaasi ay ehel yihiin islamarkaana sida uu sheegay Ururka Al-Shabaab ay gowraceen.

Wuxuu sheegay Nabadoon Xasan Maxamed in dilkooda loo sababeeyey in yihiin dadkii arkay Ciidamada Ethiopia iyo Ahlusunna, isagoo xusay in dadkaasi ay intooda badan ahaayeen ganacsato wax ka iibin jiray Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Ahlusunna sida uu sheegay.

Nabadoon Xasan Maxamed ayaa ugu dambeyn baaq u diray Dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka isagoo ugu baaqay in gargaar lala soo gaaray dad uu sheegay inay qoxooti yihiin oo ku sugan Ceelbuur, isagoo dhinaca kale ku baaqay in Al-Shabaab lagula dagaalmo Degmadaasi.

Ururka Al-Shabaab ayaa maalin ka hor gudaha u galay islamarkaana qabsaday Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud markii Degmadaasi ay baneeyeen Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Ahlusunna, halkaasi oo ay horay uga arrimin jireen balse gacantooda laga saaray walow haatan ay haddana dib u hanteen gacan ku haynteenda
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment