C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo xalay ka hadlay munaasab loogu tala galay isdhexgalka Bulshada oo lagu qabtay Degmada Howlwadaag ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay wax badan ka qabanayno Ragga Dharka Ciidamada Dowladda Soomaaliya dadka ku dhibaateeya.
Wuxuu sheegay inay danaynayaan in Degmooyinka ay awood siiyaan si ay isaga qabtaan oo ay xabsiyada ugu gudbiyaan dadka ku xadgubaya ammaanka degmada iyo Bililcdeedaba.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sidoo kale sheegay in qof waliba oo ku sugan Magaalada Muqdisho uu masuul ka yahay amniga Caasimadda.
Wuxuu sheegay in amniga Magaalada Muqdisho ay sii kordhinayaan ayna ku dagaalayaan in meel sare laga gaaro dhanka aminiga isagoo mahad gaar ah u celiyey guddoomiyeyaasha labada degmo ee howlwadaag iyo Warta Nabadda.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka hadalkiisa waxa uu imaanayaa iyadoo cabasho maalmihii dambe ay ka soo yeereysay qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir kuwaas oo ka cabanayey rag ay sheegeen inay ku labisan yihiin darayska Ciidamada Dowladda oo dhac u geysta mararka qaar sida ay sheegeen
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment